Reer Burco Oo Dib Ula Laabtay Magacii Qabyo-tire Ee Badhasaab Qabo Lagu Sooray Uguna Bedelay Qabyo

0
16

Burco(Saxilnews) Reer Burco Oo Dib Ula Laabtay Magacii Qabyo-tire Ee Badhasaab Qabo Lagu Sooray Uguna Bedelay Qabyo Biirshe Iyo Sababta Ka DanbaysaBurco (HN)Tanyo markii Loosoo Magacaabay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabo Isla Markaana uu Si Rasmiya Ula Wareegay Xilkaasi.

Ayaa Waxa Isla Wakhtigaasi Kasoo baxay Hadalo Soo Jiitay Bulshada Reer Burco Qaybaheeda Kala Duwan Kuwaasi Oo Ay ka Mid Ahaayeen Inuu Cadaalad Ku Dhaqaayo Isla Markaana Uu Gobolka Togdheer MashaariiCo Horumarineed Ka Hir Galindoono.

Gudoomiyaha Ayaa Isla Wakhtigaasi Waxa Uu Booqday Goobtii Lagaga Dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland Sanadkii 1991Kii Halkaasi Oo Uu Sheegay Inuu ka Dhisayo Madal Taariikheed Oo La soo Booqdo Oo ka Turjunta Gobolka Togdheer Waxaana Hadalkaasi Soo Dhaweeyey Inta Badan Dadwaynaha Reer Burco Laakiin ma Noqon Mid Midha Dhasha Waxaase Ay Umuuqatay Dhagax Dhig Lagu Doonayo In Lagaga Muuqdo Shaashadaha Laguna Kasbado Quluubta Dadweynaha Reer Burco.

Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa Dhagax Dhigay Dhismaha Maamulka Gobolka Togdheer Oo Uu Sheegay In Dabaq Laga Dhisi Doono Taasi Oo Aan Iyana Ilaa Iyo Hada La Garanayn Halka Ay Ku Danbaysay Waxaana Dadwaynuhu Sheegayaan Inay Ahayd Dhagax Dhig Sumcad Lagu Doonayo.

Hadaba Marka Lays Waydiiyo Waxa Uu Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabo Waxa Uu Gobolka Ka Qabatay Ayaa Iyadu Kusoo Ururaysa Usacab Tunka Iyo ka Qayb Galka Xaflad Kasta Oo Ka Dhacda Magaalada Burco Si Uu Uga Muuqdo Warbaahinta ,Balan Qaadyo Tiro Badan Oo Cid Kasta Loo Balan Qaadayo Si Amaantiisu U Badato.

Inta Falanqaysa Siyaasada Ayaa Is Waydiinaysa Badhasaabka Gobolka Togdheer Waxa uu ka Qabtay Gobolka Togdheer Marka Laga Yimaado Faanka Iyo Iska Saraysiinta Dadka Kale Waxayna Kusoo Koobeen In Uu Badhasaabka Gobolka Togdheer Uu Gashanayo CVga Badhasaab Ayaan Ahaan Jiray Balse Aanu u Jeedin In Uu Gobolka Wax Ka Qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here