Raysal Wasaaraha Somaliya Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Norway Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen +Sawiro

0
21

Doha (Saxilnews):- Magaalada Doha ee dalka Qatar waxaa kulan gaar ah ku yeedhay raysalwasaaraha dalka Somaliya Muddane Xassan Cali Khayre iyo wasiirka arimaha dibada dalka Norway Mr Børge Brende waxaana ay ka wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka iyo horumarinta labada dal

 

Muddane Xassan Cali Khayre Raysal wasaaraha dalka Somaliya ayaa waxaa uu tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee soo jireenka ah.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Sidoo kale waxaa uu si weyn uga mahad celiyey doorka fiican ee dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Muddane Khayre Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo heysta dhalashada Nairobi ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Dhankiisa wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here