Raila Odinga – Siyaasiga ay dadka Kenya jecelyihiin ama necebyihiin

0
20
Raila OdingaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Wakhtigii waxbarashada ilaa markii la xiray sannadkii 1982dii ka dib afgambigii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa madaxweynihihii hore ee Kenya Daniel arap Moi, Odinga oo 72 jir ah ayaan wali waxyaabo badan laga ogayn dhinacyada qaar.

Wiilkan uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka Kenya Jaramogi Oginga Odinga, ayaa markii afraad u tartamaya madaxweynenimada Kenya waxayna u badan tahay in ay noqon doonto markii ugu dambaysay.

Odinga ayaa aragtiyo kala duwan laga qabaa Kenya gudaheeda, iyadoo ay dad jecel yihiin kuwo intaas la egna ay necebyihiin, mana jiro siyaasi kale oo sidaas loogu kala aragti duwan yahay.

Dadka taageersan waxay u arkaan nin dimuqraadi ah oo wakhtigiisa u huray dagaalkii uu kala jiray digtaatoornimada laakiin dadka kale waxay u arkaan nin dhagar badan oo kaligii talis ah, kaas oo waxkaste u samayn kara in uu xil qabto.

Waa kuma Raila Odinga?

  • Da’diisu waa 72, waxaana dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee Kenya Jaramogi Oginga Odinga
  • Taageereyaashiisu waxay ku naanaysaan Agwambo
  • Wuxuu wax ku soo bartay Barigii-Jermalka ee hore
  • Wuxuu xildhibaan ka yahay muddo labaatan sano ah xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera
  • Afgambi ayuu isku dayay 1982
  • Waa ninka muddada ugu dheer ku xirnaa Kenya isaga oo xilhaya
  • Xisbiyada ayuuna badbadashay isaga oo hadda u taagan Nasa
Taageereyaashiisa ayaa ugu yeeraa BabaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionTaageereyaashiisa ayaa ugu yeeraa Baba

Dadka ugu badan ee taageera waa qawmiyaddiisa Luo oo degta gobolka Nyanza ee dhaca koonfurta-galbeed ee dalka, halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay iskuulkana ka dhigtay.

Naanayso badan ayay siiyeen waxaase ugu dambaysay Baba ama aabo.

Wakhti dheer ayuu xabsi ku jiray

Markii ugu horraysay ee uu madaxweynenimo isku dayay waxay ahayd 1997dii, markaas oo uu galay kaalinta saddexaad.

Doorashadii madaxweynenimada ee sannadkii 2002-diina kama uusan qaybgalin, wuxuuna taageeray Mwai Kibaki si looga adkaado Uhuru Kenyatta, doorashadaas ayaana horseeday in meesha laga saaro xisbigii Kanu oo talada hayay tan iyo markii ay Kenya qaadatay Xoriyadda 1996.

Siyaasiyiin badan oo miisaan leh ayaa isku raacay in ay taageeraan OdingaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSiyaasiyiin badan oo miisaan leh ayaa isku raacay in ay taageeraan Odinga

Odinga iyo taaageereyaashiisu waxay rumaysan yihiin in laga boobay guushii uu gaaray 2007dii markaas oo uu hogaaminayay xisbiga ODM, isaga oo la tartamay Kibaki.

Doorashadaas ayaana ahayd middii horseedday rabshadihii qabaa’ilka ku salaysnaa ee horseeday in ay dhintaan 1,300 oo ruux oo Kenyan ah, ayna ku baro kaceen 600,000.

Awood qaybsi ayuuna ra’iisalwasaare ku noqday si loo soo afjaro colaaddii ka dhalatay doorashada.

Dadaalkiisii ka dhanka ahaa halka xisbi ee digtaatooriyadda ayaa u horseeday in labo jeer la xiro markii koobaad waxaaa xabsiga la dhigay 1982 isaga oo ku jiray 1988 haddana waxaa lagu celiyay 1989 isagoo ku jiray ilaa 1991, waana masuulkii ugu wakhti dheeraa ee xabsi lagu hayo.

Markii u horaysayse waxaa loo xiray in uu inqilaab isku dayay sannadkii 1982dii, taas ayaase u horseeday in uu ka muuqdo masraxa siyaasadda qaran.

Odinga ayaa aasaasay xisbiga ODM sannadkii 2005tii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here