Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

0
18

 Uk( Saxilnews)Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Britain.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here