Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqasho Ku Tagey Saldhiga Ciidamada Cirka Ee Deeganka Balli Doogle + Sawiro

0
15

Balli-Doogle (Saxilnews):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre

oo weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada Ciidanka Cirka ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmey Ciidamaddii ku sugnaa xerada ee loo diyaariyey dib u xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee gobolka Sh. Hoose, isagoo ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al Shabaab.

Image may contain: 3 people, outdoor

 

”Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo fir fircoonida Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee u dagaalamayo askariga Soomaaliyeed”ayuu yidhi R.W Kheyre.

Mudane Xasan Kheyre ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada Umadda Soomaaliyeed

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

” haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka, Ciidankuna in uu sharaf yeesho waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah. Xukuumadduna waxay xoogga saari doontaa in bil walba ay helaan xuquuqdooda, horeyna waan u bixinay mushaaraadka.”ayuu yidhi

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Ugu dambeyntii wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka waxayna ballan qaadeen kor u qaadista akhlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dar-dargelinta howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxaha argagixisada.

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 8 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here