Ra’iisal wasaare Rooble: “Ciidamada Dowladda ayaa la weeraray”

0
23
RW Rooble

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudane Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin”.

Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.

Iska horimaad u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogag taabacsan musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay iyo saaka ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka hor joogsatay dibedbax ay si nabdood u qaban lahaayeen.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa tilmaamay inuu “dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay, balse laga dhaga adeygay”.

Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ogoshahay mudaharaad si nabdoon u dhaca oo ay ilaalinayaan ciidamada dowladda, balse dibedbaxa mucaraadka ay doonayeen “inay horkacaan ciidamo ka soo horjeeda ciidamada dowladda”.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho “xor iyo xalaa ah”.

Mucaaradka iyo doorashada

Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo ka tirsan Midowga Musharrixiinta, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka gudbay “xayndaabka dowladnimada oo ku dhisan dastuur iyo ixtriaanm” markii ciidammo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal isugu soo baxay agagaarka KM4.

Guuleed iyo qaar ka mid ah midowga musharraxiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jasiira kadib rasaastii maanta la is weydaarsaday ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanan “lala tartami doonin Farmaajo, isagana uusan tartami doonin”.

Madaxda maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay inaysan la shirin Farmaajo.

Jawaabta Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday mar kale in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiskii doorashada.

“Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saaka oo Jimce ah, waxayna ku baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhiggay barta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku leeyahay Twitter-ka.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here