Daacadnimadu waa shay aad iyo aad u qiimo badan, waa hubaal oo qofka ku sifoobaa ma guul-daraysto, mana gumoobo abidkii.
Halka ay khiyaamaduna ka tahay wax aad iyo aad u foolxun, qofka caadaystana uu gabbal baasi u dumo godobna uu u halis yaha.
Hadaba waxaa waayadan dambe dhacda in marka uu wiilku guur maago ee ay hawo guur gasho inuu in badan ku dawakho is weydiinta su’aalo fara badan oo ay kamid tahay waa tuma gabadha aad rabto inaad guursato? Waa kuweese astaamaha gabadh lagu xushaa? Isagoo su’aalahaa jawaabahooda ku dawakhsan ayuu haddana indha indhaynayaa hablo badan oo ku xeeran qaab walaaltimo layidhaahdo oo laysku khaldaana ka dhaxayso. Iyadoo arrini halkaa marayso ayuu wiilkii ka baadhayaa hablahaa astaamihii la odhan jiray dumarka waa lagu xushaa haddana wuu ka waayayaa!. Markaasu haddana sii dawakhayaa mar labaad waa yaabka yaabkiisee!!. Isagoo wiilkii xaaladdaa adag ee jaah-wareerka ah ku jira ayuu haddana garaadkiisu ugu jawaabayaa waar qurixi yeelkeede raaliyo uun ma tahay oo maku adeecaysaa reerkana makuu dhaqaysaa haba iska dheg xumaatee! Iyadoo arrini halkaa marayso ayaa hablihii waxay fahmeen sirtii wiilasha oo waxay qabteen qorigoodii (sirtoodii), waxaanay ogaadeen in wiilashii imika ay raadinayaan mid raaliyo la yidhaa. Dabadeed waxay uga sheekaynayaan mowjado been ah iyagoo odhanaya “waxaan ahay raaliyo; iyo guurku waa caynkaa iyo caynkaa oo wax baan ka aqaana”.Dabadeed isla markiiba waxa uu wiilkii isku qaadayaa inantii waxaanu ku jacsiinayaa meher oo wuu guursanayaa.isagoo aan baran dabeecaheeda qarsoon mudo kooban kadib waxaa laga yaabaa inuu guurkaasi fashilmo. Hablihii hore ee soomaalida, ceeb iyo sharaf dhac ayey ku ahayd inay yidhaahdaan waxan ahay raaliyo.Waayo? raaliyada iyo kartida gabadha waxa lagu ogaan jiray hadba sida ay gabadhu u dhaqato reerkeeda iyo ninkeeda, weliba intaa uun laguma ogaan jirine waxa iyana caddaynaysay sida ay gabaadhaasi usoo dhaweyso tolka iyo xigaalada ninkeeda.
Haddaba hablaha waxan kula talinlahaa waxaa la yidhi alifkaad marka hore gaftaa albaqruu ku dhibaaye
wiilashana yaan been loo sheegin lana lug goynin.
W/Q: Ayaan Ismaaciil Xuseen
Hargysa, Somaliland