London (SAXILNEWS)_Digniin Culus Waxay qurbajooga beesha ciise muuse ee UK ee ka soo jeeda gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodi jeex Waxy digniin culus u dirayaan xukumada siilaanyo oo si xaaraan ah u cadaysatay boobka hantida qaranka somaliland Ee Umada Kawada Dhaxaysa Qurbajooga beeshu waxay Aaminsanyiin in boobka hantida oo ay u dambaysay wareejinta haamaha kaydka shidaalka berbera taas oo baarlamaanka somaliland go’aan ka gaadhay in’aan la wareejin karin balse ay xukumadu Baal martay distuurkii iyo sharcigii somaliland haday xukumadu sharciga tuurtana Aan shacbigu ilaalin doonin Waxaanu ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta falkaas ay xukumada siilaanyo masuulka ka tahay. Kaas oo Aan ku koobnaan doonin cid gaara balse gaadhi doona dhamaan gobolada somaliland xaalkuna faraa ka bixi doono hadaan dhinac looga soo wada jeesan boobka hantida qaranka ay ku hayso xukumada maanta joogtaa. Alaa mahad le Gudoomiyaha qurbajooga ciise muuse e UK Cabdiraxman maxamuud yaasiin iyo dhamaan gudiyada fulinta
SAXILNEWS005@GMAIL.COM
saxilnews office london