Qorshaha axmaaradu Waddo iyo filashada la buunbuuniyey u gubayso Ethiopia.

0
17

Qorshaha axmaaradu Waddo iyo filashada la buunbuuniyey u gubayso Ethiopia.

Maqaalkan waxan qalinka u qaatay ina iftiimiyo ilaa xad heerka axmaaradu u aamintay khuraafad odhanaya saraynta xabashidu way soo noqonaysaa kadib dagaalo lagu hoobto oo dhexmara qoomiyadaha iyo diimaha wadanka.

Muuqaal laga soo duubay qaar ka mid ah kooxaha amxaarada oo kulmaya si ay u caleema saaraan “Manifestada Amxaarada” ayaa xili dhaweyd lagu faafiyey baraha bulshada. Shirka waxaa ka soo qayb galay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin suxufiyiin, macalimiin jaamacadeed iyo shaqsiyaad kale oo caan ah oo u dhashay qoomiyada Amxaarada ee qurbaha ku nool.

Soo bandhigida iyo fikradaha lagu muujiyey kulanka ayaa waxaa ka buuxay aragtiyo shirqool ah, runta badhkeed iyo been laisku qasayo, sheekooyin qalloocan, iyo been cad oo si wada jir ah loo xardhay si loo difaaco soo noqoshada amarka sare ee amxaarada.
Muuqaalka yaabka lihi wuxuu gaadhay heerkiisii ugu yaabka badnaa markii uu shir guddoomiyuhu casuumay shaqsi ay magaciisa ku sheegeen Mr. Begosew.

Mr Begesow ayaa xusay sida uu ugu faraxsanaan lahaa inuu kaga soo biiro dooda “safka hore ee Ataye – Shawa-Robit,” oo ah mid ka mid ah meelaha rabshadaha aan caadiga ahayn iyo xasilooni darada ka abuuray Itoobiya sanadkii la soo dhaafay. Wuxu sheegtay inu yahay mid kamid ah qabanqaabiyeyaasha iyo hogaamiyaasha Fano, oo ah koox hubaysan oo aan rasmi ahayn oo Amxaaro ah. Begosew ayaa khudbadiisa uu kulanka kajeediyey wuxu axmarada ka codsaday in qurbajoogtu ku maalgeliyaan hawlgalkooda siyaasadeed iyo midka hubaysan. Dhamaadka khudbadiisa, Begosew wuxuu ku andacooday in Fano ay hogaaminayaan aabayaal muqadas ah oo ruuxi ah iyo boqortooyo ilaah subkay “barakaysan”.

Khuraafaad ku saabsan imaatinka “boqornimo ilaah barakeeyey” ayaa ku dhex wareegayay baraha bulshada ee kaladuwan sadexdii sano ee la soo dhaafay. Saadaashaas khuraafadka ku salaysan waxay sheegaysaa in boqor Amxaaro ah uu iman doono oo ka adkaan doono dhammaan kooxaha kale ee dalka oo xoog ku xukumi doona waddanka oo dhan. Boqorkaas badbaadiyaha ah ee ay taageeraan wadaadada itoobia Orthodox Tewahedo (EOTC) ayaa ka adkaan doona dhamaan caqabadaha ka imanaya jilayaasha gudaha iyo dibada. Itobiya oo Amxaaro hogaaminayso waxay ka adkaandoontaa dhamaan awoodaha aduunka furimaha kaladuwan waxayna noqon doontaa awood caalami ah, saadaasha ayaa sheegeysa.

Bogosew wuxuu u sheegay aqoonyahanada Amxaarada ee isku imaatinka “Amxaaro macnaheedu waa boqor; Amxaaro macnaheedu waa Masiix; Masiixu macnihiisu waa Boqorka, ”dagaalka aan galayna waa dagaal ilaahiyan ama diini ah oo uu taageerayo ilaahay “Wuxu yidhi waxan mataleynaa dagaalkan ilaahay laakiin dhammaan kooxaha kale ee naga baxsan annaga waxa ku adeeganaya Shaydaanka.” Wuxuu ku andacooday inay abaabulayeen koox dhulka hoostiisa mara oo si qarsoodi ah uga hawl gasha guud ahaan Itoobiya muddo dhawr sano ah. Iyo in shabakadooda dhulka hoostiisa ay ka bilaabato magaalada Gonder ee waqooyiga Itoobiya ilaa Bale, Illubabor, iyo Wollega ee galbeedka iyo qaybaha kale ee dalka.

Waxaan heysanaa waqti kooban. Waxaan haynaa tabo dhowr ah. Dagaalku wuxuu bilaabmay 2012, waana ognahay in lasii xoojin doono sanadka 2013, gaar ahaan bartamaha xilliga soonka, ”ayuu yiri isagoo adeegsanaya sanadaha Jadwalka Itoobiya.

Begosew wuxuu sii waday doodiisa wuxuuna isago wax sii sheegyada khuraafiga ah so xiganaya ku andacooday inay la kulmi doonaan seddex caqabadood iyagoo raacaya hadafkooda rabbaaniga ah.

1. Dagaal

Wuxuu ku andacooday in dagaalka mar horaba bilaabmay isla markaana cadowga ay wajahayaan uu yahay mid sokeeye iyo mid shisheeye. Begosew wuxuu markaas ku dhaqaaqay qaylo aan kala go ‘lahayn isagoo ku andacoonaya in cadawgooda koowaad uusan ahayn OLF laakiin ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya hortaagan tan iyo qarnigii 16aad. Wuxuu ku andacooday in halista soo socota ay ka imaaneyso gobolka, isagoo xusay in “maanta, khatarta muuqata iyo tan hada jirta ay ka timid dowlada lafteeda, kana timid dowlada OLF. Dowlada jirta ayay u arkaan dowlad OLF ah. ”

2. Abaar
Caqabada labaad waxay noqon doontaa macluul, ayuu sii raaciyay. Waxaa jiray dalag wanaagsan labadii sano ee la soo dhaafay. Marka, waa inaan ku keydinaa cuntada meelaha laisla gartay. Markuu weerarka shisheeye yimaado, wuu ka badnaan doonaa awoodeena, ayuu u sheegay dhagaystayaasha. Ragayagu way dagaalami doonaan ilaa dhamaadka. Laakiin, si loo badbaadiyo abtirsiinta Amxaarada, waxaa jira meelo la tilmaamay oo dumarka iyo carruurta lagu qariyo dhammaan afarta gees ee Itoobiya.

3. Cudur
Begosew wuxuu sheegay caqabada sedexaad inay tahay cudur. “Ahzab (waa eray ay kanisada orthodox u ugu yeedho in kuwa aan Orthodox-ka ahayn, runtiina, inta kale ee aan ahayn Axmaarada Orthodox, oo ay ku jiraan dawladaha Masiixiyiinta ah ee ka socda Maraykanka, iyo U.K., iyo Carabta). Wuxu saadaalinayaa in dawladahaas aan orthodoxka ahayn dhammaantood hor istaagi doonaan axmarada. Markaa markay awoodahaasi yimaadaan Itoobiya, waxay keeni doonaan cudur la yiraahdo ‘bidbid,’ oo aad uga khatar badan Corona, ”ayuu ka sheegay kulanka.

Begosew wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in rasaas iyo raashin lagu keydiyo kaniisadaha iyo meelaha ay ku cibaadeystaan, markuu bilaabay inuu kahadlo “boqorka quduuska ah” ee hada amraya Fano, qabanqaabiyihii kulanka wuxuu xasuusiyay Begosew inuu soo gabagabeeyo wada hadalka oo uusan ku sheegin fagaaraha macluumaadka sirta ah.

Bal eeg, tani maahan qol lagu sheekeysto balse kulankan Waxgarad caan ah oo Amxaaro ah iyo dad kale oo caan ah ayaa ka soo qayb galay. Shir gudoonka iyo ka soo qeyb galayaashuba si buuxda u dhageysteen umana babac dhigin fikradaha shirqoolka ah ama su’aal kama keenin qorshooyinka dagaal ee Begesow soo bandhigay.

In sheekooyin khuraafi ah oo.axmaaradu aamintay qayb weyn ku leeyihiin gubashada Ethiopia an idiinla wadaago dhacdooyin an la kulmay iyo fariimo iso gaadhay oo I dareen galiyay ilaa xad heerka khuraafaadku gaadhay
Ninkan hadalkiisa ayaa i xasuusisay filim aan daawaday sanadkii hore. Waxaan bas ka raacay Adis ababa, baskiina wuxuu u shiday dadka safarka ah filimo kala duwan oo Amxaar ah. Mid ka mid ah aflaamta Amxaarada, oo cinwaankiisu yahay ETHEL, wuxuu ka hadlayaa wax sii sheegid dib-u-soo-kabasho itoobiya ah. Sheekada Filmka ayaa u dhignayd, nin Itoobiyaan ah oo hore qurbaha ugu noolaa ayaa ku soo laabtay dalka. Shakhsigu wuxuu ilaaway dhamaan dhaqankii dalkii uu ku dhashay wuxuuna qaatay qaab nololeedka reer galbeedka. Maadaama hooyadiis ay ku nooshahay baadiyaha, wuxuu la joogay abtigiis Addis.

Walaalkiis ka weyn waa madaxa Sirdoonka Itoobiya waana nin aad u muxaafid ah. Wuxuu isku dayay inuu ku qanciyo jilaaga filmka ee qurbaha ka yimid inuu ka tanaasulo qaab nololeedka reer galbeedka una hogaansamo qaab nololeedka Itoobiya. Dhanka kale Jilaaga ayaa markaa shukaansi la wadaaga gabdho badan oo reer Adis ah ugu dambayntiina wuxuu u xushaa gabadha uu isagu doorto. Wuxuu siiyay gabadha uu guursaday silis dahab ah, oo ah bilad dhaqameed Itoobiyaan ah oo lagu sharfo geesiyaasha qaranka, oo hooyadiis siisay intii uu yaraa.

Maalin maalmaha ka mid ah, labadii walaalo ah ayaa soo booqday hooyadood waxayna go’aansadeen inay xoogaa sii joogaan. Aktarka ayaa tusay hooyadiis, sawirka gacalisadiisa oo xiran siliska. Hooyada ayaa aad uga naxday xaqiiqda ah in wiilkeeda uu siliskan siiyay gabadha uu guursanayo, waxayna u dhimatay wadno qabad. Hooyada dhimatay ayaa u sheegtay jilaaga inuu kala hadlo wadaadka u dhow siliskan.

Wadaadku wuxuu u sheegayaa jilaaga inay jiraan wax sii sheegid ah oo ku saabsan dib u soo nooleynta Itoobiya. Wadaadki qayska ahaaba odhanaya “Itoobiya waxay xukumi jirtay Afrika oo dhan iyo xitaa Yurub. Kadib hoos u dhacii iyo dhicitaankii boqortooyadii Itoobiya, dib ayey u soo muuqan doontaa oo waxay xukumi doontaa Afrika oo dhan 14 fac ka dib laga soo bilaabo waqtigii la sii sheegay, ”ayuu yiri Wadaadka. Baadariga ayaa sharaxay waxsii sheegista wuxuuna usheegay in jilaagu yahay jiilka 13-aad. Haddii jilaagu uu maareeyo dib u soo cesashada siliskan una wareejiyo jiilka soo socda, wiilkiisa ugu horeeya, Ethel, wuxuu noqon doonaa boqorka badbaadiyaha ah ee balan qaadaya kaasoo soo bandhigi doona dib u soo nooleynta Boqortooyada Itoobiya.

Horraantii 2018, waxaan la kulmay fariimo SMS ah oo ku dhex wareegaya qoraallada moobiilka iyo farriimaha. Qoraallada ayaa ku andacoonaya in farriinta ay ka timid aabbayaasha ama hogaamiyayaasha madhabta orthodoxka. Farriinta guud ayaa ah in dagaal baahsan ka dhici doono Itoobiya afarta sano ee soo socota, dhamaadka dagaalka, Amxaaradu waxay la wareegi doontaa dalka si ay ugu celiso “meelaheeda sare.” Fariimaha ayaa ku boorrinaya Amxaarada inay qaado wadada sheydaanka si ay u gaaraan himilooyinkooda. Farriin kale oo dheer oo la sheegay inay diyaariyeen koox Amxaara qurba joog ah isla markaana lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo jeedisay talooyin la mid ah oo ku saabsan soo celinta awooda Amxaarada iyo hanka iyadoo loo marayo qaab kasta oo loo baahdo, oo ay ka mid tahay aasaasida kooxo dil samayn kara oo halis ah.

Hogaamiyaasha mucaaradka Axmaarada National Movement (NaMA) waxay si cad u qeexeen in dariiqa badbaadada Amxaarada uu marayo wadadii imbaraadoorkii Tewodros. Burcadka Kassa Hailu ayaa u qaatay magaca Tewodros si uu u fuliyo “wax sii sheegid” ku saabsanayd soo bixitaankii boqor s la yiraahdo Tewodros oo ka talin doona Itoobiya.
Imbaraadooriyadii qarnigii 19aad wuxuu markaa Tewodros smaeeyey dagaalo dhiig badan ku daatay si uu u hoos mariyo qof kasta oo jidkiisa hor istaagi kara. Wuxuu la dagaallamay hoggaamiyeyaasha gobollada kala duwan wuxuuna qaaday tallaabooyin ciqaab adag oo ka dhan xataa hoggaamiyeyaasha kaniisadaha Orthodox. wuxuu xirxirey wadaadadii Boqorka Victoria ee Ingriiska iyado taasina horseeday howlgalada militariga Ingiriiska ee sababay dhimashadi boqor Tewodros. Hadaba sida boqorkaa oo kale, hogaamiyaasha Fano iyo taageerayaashooda waxay kaloo aaminsanyihiin in qalalaasaha siyaasadeed ee hada kajira Itoobiya lagu xalin karo dagaallo gacan ka hadal ah.

Khatarta “khuraafaadka”

Waxsii sheegyada ayaa meel weyn ku leh bulshada Itoobiya. Waxaa loo adeegsadaa niyad dhiska dagaalada, iyo jawaabta dhibaatooyinka kala duwan. Xaqiiqdii dadka itoobiya inbadan waxay weydiiyaan wadaadada diimaha hadii uu jiro wax sii sheegis ah oo ku saabsan arrimaha gaarka.
Raiisel wasaare Abiy Ahmed laftiisu wuxuu ka hadlay wax sii sheegista hooyadiis dhowr jeer, oo ay ku jirto baarlamaanka hortiisa, isagoo ku andacoonaya inay sii sheegtay inuu noqon doono boqorka 7-aad ee Itoobiya. Hogaamiyaasha Kaniisadaha sidoo kale waxay sii saadaalinayaan Abiy inuu xukumi doono Itoobiya tobanka sano ee soo socota. Shaqsiyaadka caanka ah qaarkood oo leh taageerayaal muhiim ah ayaa sidoo kale sheeganaya inuu yihiin boqorka 8-aad ee Itoobiya.

Khatartu waxay tahay in rumaystayaasha waxsii sheegista ama khuraafaadku ay u arkaan dagaalku inuu yahay xalka kaliya ee suurtogalka ah ee lagaga gudbi karo dhibaatada siyaasadeed ee haatan ka jirta Itoobiya. Sidaa darteed, wadaniyiinta Amxaarada waxay aaminsanyihiin inay marka hore ka nadiifiyaan guriga Amxaaro cidkasta oo ka soo horjeeda wax sii sheegida ama khuraafaadkooda. Fikradan ayaa laga yaabaa inay sababtay dilkii madaxweynihii gobolka Amxaarada bishii Juun 22, 2019. Waxsii sheegistu waxay sidoo kale qayb ahaan mas’uul ka noqon karta dagaalkii lagu hoobtay ee Amxaarada iyo Qimant ku dhexmaray magaalada Gonder, halkaas oo daraasiin ay ku dhinteen labada dhinac. Waxa kalo qayb ka ah ah, weerarada soo noqnoqda ee ciidamada gaarka ah ee Amxaarada ee lagu qaaday beeralayda gobolka oromadu degto ee.deegaanka axmaarada.

Qalalaasaha siyaasadeed ee Itoobiya kajira waa mid walwal leh. Colaadaha ayaa durbaba dalka ku riixay dagaal sokeeye oo dhinacyo badan leh: Tigray, Somali West Wollega, iyo Benishangul-Gumuz. Iskudhacyada bulshada iyo qoomiyadaha ayaa caadi ka noqday. Dilalka iyo barakicintu waa dhacdooyin maalinle ah. Dhibaatooyinkaas oo dhan dhexdooda, dhaqaaluhu wuu sii liicayaa. Shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa cirka isku sii shareeraysa.

Qalalaasaha siyaasadeed ee Itoobiya, gaar ahaan seddexdii sano ee la soo dhaafay, wuxuu sababay dilka iyo barakicinta kumanaan qof oo Amxaaro ah, Oromot, tigre, somali , iyo kuwa kale dhammaan daafaha dalka. Aaminsanaanta khuraafaadka ah ee tilmaamaysa dagaalka inu yahay waxa kaliya ee looga bixi karo dhibaatadane waxay uga sii dari kartaa dhibaatooyinka. Sidaa darteed, aqoonyahanada Amxaarada, iyo indheer garadka waa inay gadaal ka riixaan oo dhiiri galiyaan wadahadalada, nabada, iyo wada noolaanshaha oo ah waddo horay loo maro.

Ma jiro xisbi ama shaqsi ka gudbi kara caqabadaha horyaala Itoobiya kaligiis. Sidaa darteed, waa xikmad in laga tago caqiidooyinka khuraafaadnimada ee qallooca oo loo hoggaansamo caqliga iyo samaha. Si gaar ah, habka kaliya ee looga gudbi karo caqabadaha badan ee kajira Itoobiya waa wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ay hoosta ka xariiqday aqoonta sayniska ee hadda jirta, wax sii sheegid iyo sheekooyin khuraafaad been ah waxay uga darayaan xaalada..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here