qoraal uu warbaahinta ugu talo galay xogahayaha xidhiidhka gobadala iyo degmooyinka xisbiga Cadaalada iyo Daryaalka UCID.

0
33
Maanta Waxay ku Beegnayd 28 July 2015 maalintii koowaad ee waqtigii xukuumada Siilaanyo dhamaaday Hadaba waxaa cirka isku shareeray oo durba laga dareemaya Dalkii oo dhan musuq maasuqii xukuumadani awalba ku haysay hantida umadda oo lasii laban laabay wasiiradii oo sidan doonaan yeelaya iyo masuuliyiintii dalkan ugu saraysay qaarkood ama intooda badan, Madaxweynihi Dalkuna markii uu xilkii ka dhamaaday ayuu baraarugay oo kursi jacaylkii ku sii batay oo safar galay markaasu magaaladu tagaba ugu khud badeeyay khudbad ku sheeg uu Mr Cukuse malmaluuqay isagoo xitaa mararka qaar kood higaadinaya sidii qof aqrinta afsomaligu ku adagyahay waxaanu ku andacoonaya madaxweynuhu.
Waxaan idinku imi inan xaalkiina ogaado maanta oo xilkii iga dhamaaday hadaba waxay ugu jawaabeen dad waynihii madaxweyne maanta oo xilkii kaa dhamaaday maxay noo tari doonta inaad xaalka yaga ogaato shansano ayaad ku ogaan kari wayday xaalka yagee ma maanta ayaad garatay inaad naga soo wardoonto oo xaalka yaga ogaato waa yaab, Madaxweynu Safarkiisani waxa uu ula ekaaday sidii oo tusaale ahaan maalintii ugu horaysay ee xilka loo doortay kadibna uu doonayo inuu dadkiisa iyo dalkiisa oo dhan soo ogaado xaalkooda madaama uu  haysto shan sano oo horleh lakin arinku sida wa ka duwan yahay maanta xilkii waaka dhan yahay waana sidii nin riyoonaya maalin caday oo kale.
Mar hadii xilkii xukuumadii dhamaaday madaxweynihiina gar diid noqday oo hashiis yadii ay galeen ka wada baxeen iyagoo  maanta waqtigii la doortay dhamaaday hadana hanjabaaya iyagoo aan nina ka xigin maanta qaranka lawada leeyahay waxaan ugu baaqayaa isbahaysiga mucaaridku inuu arintan xal waara oo qaranka lagu bad baadinayo kasoo saaro shirarka u usocda waliba hadii talooyinka la siiyo ay diidaan in dowlad kale lasoo dhiso si himiladii qaranka loo bad baadiyo.
Allaa Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here