QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASSAN OO LONDON KU GEERIYOODAY ALLAH HA UNAXARIISTEE

0
16

London(saxilnews.com)-Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ayaa ku geeriyooday waddanka Ingiriiska Allah Ha Unaxariistee Waaxana Geeridiisa xaqiijiyay Eng Dacar Jaamac, oo Marxuumku Abti U ahaa.

 

Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa bilihii udanbeeyay la sheegayay inuu u ildaranyahay xanuunka Covid19 oo haleelay waxaana lagu dabiibaayay Cisbataal kuyaala Magaalada London halkaas uu daganaa Maantana ku geeriyooday Alla Ha Unaxariiste.

Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xassan ayaa Mudooyinkii udanbeeyay bedelay aragtidiisii ahayd in Qaranka Somaliland ka madaxyahay Somaliya Inteeda kale lana soo noqday madax banaandiisii Waxaanu u ololeynaayay Barnaamij uu ugu magacdaray Markale Iyo Midnimo Somaliyeed isaga oo dooda Culus ka jeedin jiray warbaahinta sheegina Jiray inaanu Ku qanacsanayn habka ay Somaliland iyo Xukumadeeda uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi siday wax uwadaan isagoona Marxuumku Kamid ahaa ragii qoray buug Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi uu aad ugu ololayn jiray Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa ka mid ahaa Qorayaasha Soomaalida ugu caansan buugaag badana qoray sidoo kalena waxa uu ahaa Mujaahid kamid ahaa Jabhadii SNM Allaha Ha Unaxariistee

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here