Iyadoo ay isasoo tarayaan wararka ku saabsan weerarkii dhimashada badnaa ee laga fuliyay masaajid ku yaalla dalka New Zealand, dadkii badbaaday ayaa dib u xasuusanaya dhacdadii argagaxa lahayd ee ay goob joogga u ahaayen.
Dhacdadan qalalaasaha ah ayaa billaabatay markii nin hubeysan oo dhar madow xiran uu maanta oo Jimce ah rasaas ku furay masaajidka Al Noor ee bartamaha magaalada Christchurch.
Salaaddii jimcaha ayaa xilligaas ka socotay masaajidka gudihiisa.
- Ra’isul Wasaaraha New Zealand “Weerarka Masaajidka waa mid Argagixiso”
- Dad lagu laayay labo masaajid oo New Zealand ku yaalla
Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay inay naftooda la carareen markii ay maqleen dhawaaqa rasaasta.
Booliska ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ee weerarkaas ka dhalatay ay tahay 49 ruux, halka ugu yaraan 20 kalena ay dhaawacmeen.
‘Sugitaan iyo Duco’
Qof ka badbaaday dhacdadan oo aan magaciisa la shaacinin, dharkiisana uu dhiig ku yaallay, ayaa warbaahinta u sheegay inuu indhihiisa ku arkay ninka hubysan oo nin kale xabadka ka tooganaya.
Goob joogaha ayaa waqtiga ay toogashada socotay ku qiyaasay 20 daqiiqo, isagoo sheegay in ku dhawaad 60 ruuxna ay suurta gal tahay inay dhaawacmeen.
“Waxaan ku fikiraayay in ay rasaaska ka dhamaato ninka”, ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay warbaahinta TVNZ.
“Waxa kaliya ee aan sameeyay wuxuu ahaa inaan sugo oo aan duceysto, anigoo dhahaya Allow ay ka dhamaato rasaasta”, ayuu yidhi.
Ninka hubeysan ayaa lagu soo warramay inuu markii hore bartilmaameedsaday qeybta ragga ay ku tukadaan ee Masjidka, ka dibna uu u gudbay qeybta dumarka.
Qofka goob joogaha ah ayaa yidhi: “Dhinacan ayuu yimid, rasaas ayuu ku furay dadka, qeyb kale ayuu galay wuxuuna aaday dhinaca haweenka wuuna toogtay. waxaan maqlay in mid ka mid ah dumarka ay dhimatay. walaalkey ayaa halkaas joogay mana ogi unuu badbaaday iyo inkale”, ayuu yidhi.
‘Boqollaal fooqa rasaasta ah’
Nin kale oo badbaaday ka dib markii uu dhuuntay ayaa sheegay in dadku ay jabiyeen daaqadaha, si ay u baxsadaan.
“Wuxuu billaabay inuu wada toogto. Qof walba oo uu u maleynayay inuu nool yahay wuu tooganayay, wuuna sii waday inuu rasaas la dhaco”, ayuu ku yidhi idaacadda Radio New Zealand.
“Ma uusan rabin inuu hal ruux badbaado”.
Farid Ahmed, oo ka mid ah dadka badbaaday isla markaana kursiga curyaamiinta ku fadhiya ayaa sheegay inuusan kala hubin in xaaskiisa ay nooshahay iyo in kale.
“Qeybtii aan ku jiray ayaan ka arkay nin damacsanaa inuu soo galo oo dhabarka laga toogtay, isla meeshaas ayuuna ku dhintay”, ayuu yidhi Farid mar uu la hadlayay warbaahinta TVNZ.
“Waxaan dhulka ku arkay fooqa rasaasta oo boqollaal xabo ah”, ayuu yidhi