QIIMAYNTA Ciyaartoyda Kulankii Ay Real Madrid Soo Dubatay Barcelona, Xiddigii Garoonka & Kuwii Ceeboobay

0
20

Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Barcelona oo uu tartanka weyn ee kubaddeed ee taariikhiga ahi ka dhaxeeyo kusoo dubatay gegida Camp Nou ciyaar xiiso weyn lahayd oo 3-1 kusoo dhammaatay.

Federico Valverde ayaa hoggaanka u dhiibay Real daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta balse waxa deg-deg goolkiisa u kansalay Ansu Fati oo saddex daqiiqo kaddib goolka looga horreeyay kasoo guday Blaugrana.

Image

Qaybtii dambe oo ahayd midii ay Los Blancos goolasha guusha heleen ayuu Clement Lenglet qalad ku galay Sergio Ramos taas oo dhalisay in la dhigo rigoore uu Ramos gool u bedelay kahor intii uusan Luka Modric daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta dilin oo uusan 3-1 ka dhigin.

Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa qiimaynta xiddigihii labada kooxood ee kulankan, xiddigihii wacdaraha weyn soo dhigay iyo kuwii habeenka xun qaatay.

XIDDIGII GAROONKA: Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayay shabakadda xog ururinta ee Whoscored u dooratay xiddigii ugu fiicnaa garoonka isaga oo helay qiimayn 8.4 ah.

Xiddigaha kale ee Los Blancos ee bandhiga weyn sameeyay ayaa laga xusi karaa Valverde oo gool dhaliyay, Varane iyo Mendy oo daafaca ku wehelinayay Ramos.

Khadka dhexe ee Real Madrid ayuu ugu fiicnaa Toni Kroos halka uu weerarkooda ugu bandhig weynaa Karim Benzema.

Dhinaca Barcelona waxa ugu bandhig sarreeyay da’yarka Ansu Fati oo helay qiimayn 7.6 ah halka dhammaan xiddigaha kale ee Barca aysan soo gaadhin 7.0.

Qiimaynta Oo Dhammaystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here