QIIMAYN: 15ka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Qaaradda Yurub Oo La Shaaciyey – Midkee Sarreeya Liverpool, Barcelona & Man City?

0
25

Waxa la soo saaray 15ka kooxood ee haysta ciyaartoyda ugu qiimaha sarreeya, kuwaas oo ku kala jira darajooyin kala hooseeya.

Liverpool oo Bayern Munich kala soo wareegtay Thiago Alcantara iyo Diogo Jota oo ay Wolverhampton Wanderers kasoo qaateen ayaa kaalinta koowaad ka gashay liiska kooxaha haysta safafka ugu qaalisan.

Alcantara oo ay £20 milyan oo Gini kaga soo qaateen Munich ayaa waxa laba maalmood kaddib ay haddana Liverpool shaacisay saxeexa 23 jirka weerarka ee Jota oo £41 milyan oo Gini ay kasoo bixiyeen.

Labadan ciyaartoy ayaa mid walba uu qiimihiisa ku kordhi doonaa min £5 milyan oo Gini haddii ay buuxiyaan shuruudaha ku xidhan qandaraaskooda ee kooxuhu qalinka ku duugeen, taas oo ka dhigan in Reds ay bixin doonto £71 milyan oo Gini.

Qiimayn ay samaysay shabakadda Transfermarkt ayaa waxay kusoo bandhigtay liiska 15ka kooxood ee haysta ciyaartoyda ugu qiimaha sarreeya dunida, waxaana kaalinta koowaad kusoo fadhiisatay Liverpool oo safkeedu ku qiimaysan yahay £986.67 milyan oo Gini, iyadoo Man City oo hore booskan ugu jirtay ay u degtay kaalinta labaad oo safkeeda uu qiimahoodu yahay £933.14 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo 15ka kooxood ee haysta safafka ugu qiimaha badan:

15. Napoli (Qiimaha Suuqa: £531.16m)

14. Borussia Dortmund: (Qiimaha Suuqa: £534.38)

13. Arsenal (Qiimaha Suuqa: £581.45m)

12. Juventus (Qiimaha Suuqa: £593.28m)

11. Inter Milan (Qiimaha Suuqa: £660.69m)

10. Tottenham (Qiimaha Suuqa: £697.1m)

9. Atletico Madrid (Qiimaha Suuqa: £702m)

8. Paris Saint-Germain (Qiimaha Suuqa: £706.41m)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here