Washington:-(saxilnews.com) Koox qaxooti ah oo ku jira goobo ay dadka ku hayso dawladda Australia ayaa noqday qaybii koobaad ee Maraykanku aqbalo iyadoo la hirgalinayo heshiis ay labada dal kala sixiixdeen.
Dad lagu qiyaasay 50 ruux oo ku kala jira xarrumaha Papua New Guinea iyo Nauru ayaa la gayn doonaa dalka Maraykanka, dawladda Australia ayaa Talaadadii xaqiijisay arrintaas.
Heshiiskaas oo uu sixiixay Obama ayuu Maraykanku ku ogolaaday 2016kii in uu dib u dajin u sameeyo 1,250 ruux oo qaxooti ah.
Madaxweyne Trump ayaa aad u dhaliilay heshiiskaas balse wuxuu sheegay in uu ixtiraami doono.
Australia ayaa diiday in ay aqbasho dadka sida sharci darrada ah doomaha ugu yimaadda, siyaasaddaas ayaana muran dhalisay.
Dadkaas ayaa la qabtaa oo la geeyaa xarrumaha dadka lagu hayo ee Nauru iyo Manus Island.
Lahaanshaha sawirkaREFUGEE ACTION COALITION
Wasiirka socdaalka Australia, Peter Dutton ayaa xaqiijiyay in kooxda u horraysa xarrumahaas laga qaadi doono toddobaadyada soo socda, kuwa kalana ay natiijada codsiyadooda heli doonaan maalmaha soo socda.
Koox u ol’olaysa qaxootiga ayaa BBC-da u sheegtay in tiro yar ay soo gaartay waraaqo uga yimid dalka Maraykanka Tallaadadii.
Saddex ruux oo reer Suudaan ah ayaa ka mid ah dadkaas la aqbalay ayay tiri Refugee Action Coalition.
Sabtida iyo Axadda soo socoda ayaa laga soo saari doonaa xarrumahaas dadka lagu hayo, toddobaadka soo socda ayayna u duuli doonaan Maraykanka.