Qaar baa igu yidhi ma Guruujeyn-tiibaa lagugu eryay, maya ayaan leeyahay , ee isku dheeli tirka xafiisyada dawlada weeye , madaxweynuhuna waa ku mahadsan yahay , qadarka Eebe ayay ku dhacday”.
Ex Gud. Farxaan Aadan Haybe .
” Waanu ka suulinay ( Ka-saarnay ) in dhaxal lagu soo galo shaqaalaha dawlada , hadii arintaasi soo noqotana hay’adda shaqaaluhu wey dumaysaa , qofkii laga firsan waayo oo gu ka fadhiisato mooyee oo duruufo loo eego “
” Waxaanu diyaarinay in 3,000 oo guri shaqaalaha dawlada loo dhiso dhamaan goboladaba hawshuna waa socota dabkaasina yaanu ka bakh-tiyin shaqaalaha dawlada , waxaanu sameynay keydinta xogta shaqaalaha dawlada , waxaanu xafiisyo shaqeeya ka furnay gobolado ( 6 ah) , hawlgabka sidii xeer loogu sameyn lahaa ayaanu gacanta ku haynay , mashruuca daba galka shaqaalaha iyo xeerkii shaqaalaha , mushahar kordhin in shaqaalaha loo sameeyo ayaan 2022 boqolkiiba 25% ah ayaan madaxweynaha ugud-biyaya in kastoo ciidanka sanadkan laga qaatay waana qorshe kuu yaala dhaqaajintiisa gudoomiye markale “.
” Hay’addani waa mid adag oo cabasha badan oo lagu xag-xaganayo , waxaa gudoomiye kuu iman doona dad badan oo weliba dad kale iska soo horeysiinaya oo shaqo doonaya , waxaad ogaata in kumanaan kale oo cid kuu keenta aan haysan inay dibada kugu sugayaan , gudoomiye u dhabar adeyg “.
Farxaan Aadan Haybe .
Gud. Hay’adda shaqaalaha dawladda ee maanta xilka wareejiyay .