Qaar Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliya Iyo Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Magacyada Masuuliyiinta La Magacaabey

0
26

 

Muqdisho(Saxilnews):-Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka,
Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud ayaa isna sidoo kale xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here