Qaadacaadda Faransiiska: Siduu “iska hor imaad” u dhexmari karaa Macron iyo shucuubta Dunida Islaamka?

0
33
Dalalka qaar ee Islaamka waxaa ka dhacaya isu soo baxyo

Waxay hadda u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu wajahayo wejiyada careysan iyo aragtido adag oo kaga imaanaya Dunida Islaamka.

Arrintaas waxay ka dhalatay hadalladiisii dhowaan ee lagu tilmaamay kuwo sii huriyay xasaraddii ka dhalatay sawir-gacmeedka “lagu aflagaadeeyay” Nabi Maxamed NNKH.

Sawirkaas waxaa dhowaan daabacay wargeyska Charlie Hebdo oo markale ku soo celiyay. Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri: “Weligeen kama tageyno in aan sawirno iyo inaan wax ka matalno xitaa haddii dadka qaar ay dib u gurtaan”.

Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris.

Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka.

Sidoo kale waxaa bilowday olole ka socdo baraha bulshada oo lagu diidayo alaabta uu soo saaro Faransiiska.

La hardanka Macron

Faransiiska wuxuu u muuqdaa in uu ka warhayo cadhada iyo xanaaqa bulshada dalalka Islaamka ee ka dhanka ah madaxweyne Macron.

Dowladda Faransiiska ayaa dalalka ka cadhooday arrintaas ugu baaqay in ay “joojiyaan” diidmada ka dhanka ah alaabta uu soo saaro dalkaas iyo dibadbaxyada.

Faransiiska ayaa sheegay in arrintaas ay sameynayaan “dad tiro yar oo xagjiriin ah”. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa lagu sheegay in “baaqa go’doominta Faransiiska uu yahay mid aan macquul ahayn, iyo in si degdeg ah loo joojiyo in ay waajib tahay”.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu dhankiisa u muuqdaa in uu iska dhega tirayo arrintaas, wuxuuna bartiisa Twitter-ka ku qoray farriin Afka Carabi ah oo uu ku yiri: “Ma jiro wax dib inoo celin kara, weligeed. Waxaan nahay dad xor ah, leh sinnaan, kuna wada nool si walaaltinimo ah. Taariikhdeena waa mid ka hortagga dhammaan noocyada dulmiga iyo dulqaad la’aanta. Waana sii wadeynaa taa”.

“Waan xushmeyneynaa dhammaan aragtiyada kala duwan si nabad loo helo. Ma aqbaleyno hadallada naceybka ah, waana difaaceynaa doodaha qiimaha leh. Waan sii wadeynaa arrintaa. Weligeen waxaan u taagnaaneynaa difaaca sharafta aadanaha iyo qiyamka caalamiga ah,” ayuu yiri.

Xanaaqa dowladaha iyo midka shucuubta

Hadalladii uu jeediyay Macron, xilligii aaska ee macaliinkii Faransiiska, kuwaas oo uu ku muujiyay sida uu u taageersan yahay in dib loo daabacay sawir-gacmeedka “xadgudubka ku ah” Nabi Maxamed NNKH, iyo in lagu daabacay sawirkaas qaar ka mid ah xarumaha, waxay arrintaas dhalisay ololeh lagu muujinayo cadhada dadka Muslimiinta ah.

Xanaaqaas wuxuu isugu jiraa mid ay muujiyeen dowlado iyo shucuub kala duwan. Qaar ka mid ah madaxda dalalka Islaamka iyo hay’adaha Muslimiinta, waxay soo dirayaan dhalleeceyn.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah madaxda ku baaqday in la qaadaco Faransiiska
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah madaxda ku baaqday in la qaadaco Faransiiska

Dalalka Islaamka ee canbaareeyay waxaa ka mid ah Turkey, Urdun, Lubnaan, Aljeeriya, Morocco, Pakistan, Libya, iyo sidoo kale xarunta maamulka ee Al-Azhar ee Masar.

Dhanka shacabka, Waxay baraha bulshada ku qorayaa farriimo ay ku diidayaan hadalladii madaxweynaha Faransiiska.

Sidoo kale, dadka caanka ka ah baraha bulshada ee dalalka Carabta waxay billaabeen olole ay hal ku dhig uga dhigeen #Diid_alaabta_faransiiska, kaas oo noqday astaanta ugu sareysay ee Twitter-ka ee dalalkaas.

Wuxuu ololahaas ku faafay dalalka Carabta ee lagu iibiyo alaabaha uu soo saaro dalka Faransiiska. Sidoo kale, kumannaan qof oo kale ayaa bedelay sawirradooda u saaran Twitter-ka waxayna ku qoreen “Maxamed waa nabiga Alle”.

Sidoo kale, waxaa la billaabay ololeyaal kale oo badan oo ay ka mid yihiin #Rasuulkii_Alle iyo #Macron_ wuxuu u gefay_Nabiga oo illaa 200,000 oo goor laga falceliyay.

Dowladda Faransiiska waxay u aragtaa in ololeyaashan iyo hadallada lagu qoray Twitter-ka aysan gebi ahaanba ka turjumeyn aragtida good ee shucuubka wadamada Carabta iyo Islaamka, sida lagu qoray warbixinta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Faransiiska.

Wasaaraddaas waxay warbixinta ku sheegtay in ololaha ay ka dambeeyaan “xagjiriin tiro yar”.

Khilaafkii horey u soo jiray

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu in muddo ah qeyb ka ahaa dhowr arrimood oo sababay khilaaf iyo muran adag.

Waxaa ka mid ah istiraatiijiyaddiisa cusub ee ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “go’doominta Islaamka” oo ah mid lagu raadinayo sameynta “hannaan kale oo dhinac socda” oo diidan xeerarka hannaanka jamhuuriyadda iyo habka madaxbannaanida ee bulshada.

Muslimiinta Faransiiska oo horey uga dibadbaxay Islaam naceybka dalkaas ka jira
Qoraalka sawirka,Muslimiinta Faransiiska oo horey uga dibadbaxay Islaam naceybka dalkaas ka jira

Dadka qaar waxay Macron ku eedeynayaan in uu sababay, uu na kiciyay khilaaf. Waxaa arrimahaa ka cadhooday hay’ado Islaami ah, gaar ahaan markii uu ku dhawaaqay istiraatiijiyaddiisa cusub, taas oo ahayd in “Islaamka uu hadda wajahayo khalalaase daafaha caalamka ka jira”.

Sidoo kale dhankooda, taageerayaasha Macron waxay ku difaacayaan in madaxweynaha uusan weerarin Islaamka, balse in qorshihiisa cusub uu ka hortagayo xagjiriinta, uusanna bartilmaameedsaneyn Muslimiinta ama Islaamka.

Waxay sheegayaan in uu bartilmaameedsanayo Muslimiinta aaminsan “fikradaha fog iyo aragtiyada adag”, ee doonaya in ay sameystaan hannaan kale oo ka hor imaanaya qiyamka bulshada iyo xeerarka Jamhuuriyadda Faransiiska”.

Haddaba, Madaxweynaha Faransiiska ma wuxuu lugaha la galay dagaalka aragtida bulshada ee dunida Islaamka, isagoo ku adkeysanaya waxa uu aaminsan yahay?

Sidee u aragtaa warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ee qaadacaadda iyo dibadbaxyada dalalka Islaamka ku tilmaamtay in ay sameynayaan “xagjiriin laga badan yahay” oo keli ah?

Sidee ku qiimeyneysaa inta ay la egtahay jawaabta ku saabsan in la qaadaco alaabta uu soo saaro Faransiiska ee meesha aad joogto lagu iibiyo?

Ma kula tahay in qaadacaadda ay sababi karto in Faransiiska uu wax ka badalo sida uu u wajahayo arrintan?

Aragtidaada arrintan la xiriirta waxaad inoogu reebtaa bogaggeena Baraha bulshada ee BBC News Somali, Facebook iyo Twitter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here