Puntland Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Af-Duubeen Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliland

0
28

Puntaland (SAXILNEWS)_Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay ciidamada Puntland u af-duubeen xubno Somaliland ka socday.

 Maamulka Puntland ayaa ka hadlay af-duub gobolka Sanaag loogu geystay siddeed ka mid ah xubnaha guddida doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo maanta la sii daayey.

Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ahaa dadka la af-duubay ee lasii daayey, oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamada af-duubtay ay ahaayeen kuwa Puntland, ayna kasoo horjeedeen howlaha la xidhiidha doorashooyinka ee xubnaha la af-duubay ay ka wadeen gobolka Sanaag.

Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in sababta dadkan loo xidhay ay ahayd ayaga oo arrimo la xidhiidha doorashada Somaliland ka wada deegaano ay maamusho Puntland, sida uu sheegay.

Guddoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in sii daynta dadkan ku xidhnaa Badhan uu amray madaxweynaha Puntland.

 

 

Maxamed ilkacase 

hargeisa office 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here