Pakistan: Nin loo xiray maxaad xaas labaad u guursatay adigoon fasax ka haysan xaaska koobaad

0
35
Gacmo cillaaan marsan yahay

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa nin ku xukuntay lix bilood oo xarig ah maadaama uu xaas labaad guursaday isaga oo aan ogolaansho ka haysan afadiisii hore.

Maxkamadda oo ku taalla magaalada Lahore ayaa ninkaa ka diiday dooddii uu isku difaacayay ee ahayd in diintiisu u oggoshahay in uu min yaraysto maadaama uu Muslim yahay.

Xaaska Saqib, Cayesha Bibi ayaa doodda ku guuleysatay, waxayna isku difaacday in guursiga labaad, ayadoon fasax qoraal ah laga helin, uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga qoyska ee dalka Pakistan.

Garsoorihii maxkamadda ayaa waxa kale oo uu ninkaa ku xukumay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan laba kun oo doolar.

Dadka u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegay in go’aanka maxkamaddan uu niyad jebinayo ragga doonaya in ay xaasas badan guursadaan.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay xoojineyso awoodda dumarka, ayna sababi doonto in haween badan ay aadaan maxkamadaha.

“Waa mid dhiiragelin leh in xaas lagu xadgudbay ay kiiskan maxkamadda keentay,” ayey tiri Romana Bashir, oo madax ka ah mashruuc nabadda iyo horumarka ka shaqeeya.

“Go’aankan wuxuu awood siinayaa dumarka,” ayey hadalkeeda ku dartay.

Dalka Pakistan, ragga way guursan karaan xaasas kale, balse waa in ay fasax ka helaan xaaska koobaad ka hor guurka midda labaad.

Golaha arrimaha Islaamka ee Pakistan, oo aalaaba dowladda kala taliya arrimaha diinta ayaa dhalleeceeya sharciga qoyska. Sikastaba, soo jeedintooda sharci ahaan, meesha lagama saarin.

Saqib ayaana xaq u leh in uu racfaan ka qaato go’aanka maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here