Pakistan: Darawal Tareen oo waddada dhexdeeda u istaagay ‘si uu u fuliyo codsiga xaaskiisa’

0
12

Baraha bulshada ee dalka Pakistan waxaa hadal heyn ballaaran ka dhalisay arrin uu sameeyay nin ka mid ah darawaliinta Tareennada oo markaas kaddibna shaqadiisa sidaas ku waayay.

Muuqaalka sida weyn u faafay ayaa lagu arkayaa in la istaajiyay tareen ku socda mid ka mid ah waddooyinka dalka Pakistan oo aan wali gaarin halkii uu u socday.

Xoogaa kaddib waxaa galaya nin wata bac uu ku jiro cabitaanka loo yaqaanno yogurt-ka ee ka sameysan caanaha la fariisiyay. Ninkaas oo sida muuqatay ahaa darawalka tareenka ayaa markii uu fuulay la dhaqaajiyay tareenkii oo sii watay safarkiisa.

Sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah, arrintan waxa ay ka dhacday meel u dhow bosteejada tareennada ee Kahna Kachha ee ku taalla magaalada Lahore, halkaasoo darawalkii kaxeynayay tareenka lambarkiisu yahay 5217 uu istaagay kaddibna darawal kale ee caawinayay u dirsaday yogurt uu kasoo iibinayay dukaan ku yaalla waddada dhinaceeda.

Pakistan

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Wasiirka gaadiidka Tareennada ee heer federaal, Azam Swati oo tallaabo ka qaaday dhacdadan ayaa shaqada ka eryay darawaliinta ku lug lahaa arrintaas, oo magacyadooda lagu kala sheegay Muhammad Shehzad iyo Iftikhar Hussain.

“Dhacdooyinka noocan ah looma dul qaadan doono mar dambe,” ayuu yiri Swati oo soo saaray bayaan. “Hantida qaranka looma oggolaan doono in loo adeegsado arrimo shakhsiyeed,” ayuu sii raaciyay.

BBC-da ayaa isku dayday in ay xiriir la sameyso darawaliinta falkaas lagu eedeeyay ee shaqadooda waayay, si ay u ogaato halka ay ku sugan yihiin iyo sababta ay waxaas u sameeyeen, balse ma suurtagalin in la helo jawaabtooda.

Af hayeenka Wasaarahha Gaadiidka Tareennada, Syed Ijaz-ul-Hassan Shah, oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa yiri: “Marka aad istaajiso tareenka oo waddadiisa heysta, arrintu waxay saameyneysaa heer amni iyo badqabka rakaabka. Badbaadada ayaa mudnaanta koowaad leh. Lama aqbali karo wax khalkhal galin kara nabadgalyada tareenka.”

Waxa uu Mr Shah sheegay in dhacdooyinka noocan ah aysan dhif ka ahayn gudaha Pakistan, marar badanna lasoo tebiyay, oo dowladdu ay il gaar ah ku heyso.

‘Haddii aad tareen joojiso adigoo gurigaaga badbaadinaya dhib malaha’

Warka ku saabsan dhacdadan iyo muuqaalka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa soo jiitay dadweynaha oo fikrado kala duwan uga bixiyay faallooyin.

Inkastoo darawaliinta uusan wali kasoo bixin wax war ah haddana waxaa jira dad badan oo u doodaya tallaabada ay qaadeen, iyagoo qiyaasaya waxyaabaha kallifay. Qaarna waxay weli raadinayaan inay ogaadaan sida ay wax u dhaceen iyo sheekada dhabta ah ee ka dambeysa joojinta tareenka.

Magaalada Lahore ee bariga Pakistan waxaa hal sano ka hor laga billaabay khadka tareennada ee casriga ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Magaalada Lahore ee bariga Pakistan waxaa hal sano ka hor laga billaabay khadka tareennada ee casriga ah 

Dad badan ayaa baraha bulshada naxarriis muujiyay darawalka tareenka, sida haweeney lagu magacaabo Maryam oo soo qortay: ‘Darawalka miskiinka ah waxay u badan tahay inay soo wacday xaaskiisa’.

BBC-da laanteeda Urdu-ga oo soo xigatay dadka falcelinta sameynayay ayaa waxaa soo jiitay qoraal uu sameeyay qof lagu magacaabo Adam oo yiri: “Inaad joojiso tareenka adigoo badbaadinaya gurigaaga dhib malaha.”

Qof kale oo la dhaho Bint-e-Fazal Karim ayaa qortay: “Waa hubaal xaaskiisa ayaa soo wacday oo ku tiri, ‘adigoo yogurt wada guriga imoow haddii kale ha isku imaanin.’

Hase yeeshee dadka qaarkood waxay arrintan u wajahayeen si dhab ah, iyagoo ka hadlayay sida ay tareennada Pakistan uga taagan tahay dhibaatada. Waxay soo qaadanayeen arrimo layaab leh oo qabsaday marar ay ku safrayeen tareennada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here