Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil la xiriiray kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararka imanaya Spain.
Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Ozil maamulka Barcelona ku war galiyay in ay haystaan laba todobaad si go,aan uga gaaraan in ay adeegiisa u dhaqaaqayaan adeegiisa.
Waxa wakhtigii ugu dambeeyay soo baxaysa warar sheegaya in kooxda Barcelona doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Ozil January si ay ugu buuxiso booskii Neymar oo kooxda PSG ku biiray xagaagii.
Sida laga soo xiganayo wargayska caanka ah wakiilka xiddiga ayaa kooxda Barcelona u sheegay in ay laba todobaad go,aan ku gaaraan in ay u dhaqaaqayaan januar xididga uu wakiilka u yahay ee uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Wakiilka Ozil ayaa sheegay in aanu xiddiga uu wakiilka u yahay heshiis la galin kooxna isaga oo walib sugaya dalabyada u imanaya.
Wargayska ayaa xusaya in Barcelona ay haysato dookh 1-aad oo ah in ay u dhaqaaqdo xiddiga Liverpool ee Philippe Coutinho hadii ay ku fashilanto ayay u dhaqaaqi doontaa adeega Ozil oo ah dookha 2-aad.