Ole Gunnar Solskjaerayaa qirtay inuu jahwareer iyo carro ka qaaday qeyb ka mid ah qaab ciyaareedka Edinson Cavani ee kulankii ay xalay ka badiyeen kooxda Fulham.
Cavani ayaa kansalay goolkii uu Lookman hogaanka ugu dhiibay Fulham isagoo ka faa’ideystay qalad uu sameeyay goolhaye Alphonse Areola islamarkaana dhaliyay goolkiisii shanaad ee Red Devils.
Paul Pogba ayaa goolka guusha oo qurux badnaa dhaliyay qeybtii labaad isagoo Man United ka caawiyay inay ku soo laabato hogaanka Premier League.
Cavani ayaa bilaabaya inuu xiddig fure ah u noqdo kooxda Solskjaer iyadoo tababaraha reer Norway uu ku amaanay dhaqdhaqiisa.
Laakiin macalinka Red Devils ayaa qirtay inuu ka carooday qaabka uu Cavani mar walba kubada gees u la baxo isagoo ka fogaanaya boosaska halista ah.
Solskjaer ayaa yiri: “Waa gooldhaliye, waxaad dooneysaa inuu ku dhex jiro xerada goolka. Dhaqdhaqaaqiisa waa cajiib, waana mid ay cid walba ka baran karto.
“Waxaan inta badan ka caroodaa marka uu kubada gees u la baxo si uu karoos u soo dhigo sababtoo ah isaga ayaan ka rabaa inuu ku dhex jiro xerada ganaaxa. Mararka qaar waxaan weydiistaa inuu orodka yareeyo.
“Laakiin xitaa qeybtii labaad, kubad madax cajiib ah ayuu goolhayaha Fulham ka badbaadiyay, dhaqdhaqaaqiisa wuxuu ahaa meeshii laga rabay.
“Waa gooldhaliye aan raadineynay, wuxuu wax ku soo kordhin karaa Marcus Rashford, Mason Greenwood iyo Anthony Martial.”