Ole Gunnar Solskjaer Oo Albaabada Ka Xidhay Jadon Sancho & Labada Xiddig Ee Kale Ee Uu Doonayo

0
22

Manchester United ayaa ka laabatay go’aankeedii ahaa inay lasoo saxeexato xiddiga reer England ee garbaka weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, waxaanay beddelkiisa u leexatay laba ciyaartoy oo kale oo laba boos ay iskaga xoojinayso.

20 jirkan garabka weerarka ayaa bartilmaameed u ahaa Manchester United xagaagii, laakiin Borussia Dortmund oo qiimihiisa qaaliyeysay ayaa sababtay in Red Devils ay lasoo wareegi kari waydo.

Farqiga lacagta ee u dhaxeeyey Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaan aad u badnayn, laakiin markii uu Korona Fayrasku hoos u dhigay dhaqaalaha ayay United joojisay damaceedii ahaa inay lasoo saxeexato Jadon Sancho, isla markaana ay Borussia Dortmund wax tanaasul ah ka samayn weyday.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysnaa inuu saxeexa ciyaartoygan samayn doono marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, si uu dardar u geliyo afka  hore ee weerarka iyo tayada kooxdiisa intaba.

Laakiin sida uu qoray wargeyska The Athletic, United ayaa hoos u dhigaysa xiisihii Jadon Sancho, waxaanay beddelkiisa doonayaan laba ciyaartoy oo kale.

Solskjaer ayaa la sheegay in uu ku qancay bandhigga laacibka da’da yar ee Amad Diallo oo kulankii Europa League ee Real Sociedad beddel kusoo galay kaddib markii uu bishii January kaga soo wareegay Atalanta. Waxa kale oo uu tababaruhu rumaysan yahay in Mason Greenwood uu u qaban karayo shaqada garabka midig ee uu uga baahan yahay Jadon Sancho.

Borussia Dortmund ayaa la sheegay in hadda ay xoogaa hoos  usoo dhigayso qiimihii hore ee ay ku xidhay Jadon Sancho, ayna ogolaanayso illaa 80 milyan oo Gini.

Si kastaba, tababare Ole ayuu wargeyska The Athletic sheegay inuu laba meelood oo kale iska xoojin doono, gaar ahaan khadka difaaca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here