Waxaana naloo sheegay kulankan inuu ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada hargeyska isla markaana odayaashan iyo waxgaradkani ay Jamaal Cali Xuseen kala hadeen arimo khuseeya khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID una dhaxeeya isaga iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe isla markaana garnaqooda ay gacanta ku hayso maxkamadda sare ee Somaliland.
Odayaashan ayaa naloo sheegay inay Jamaal Cali Xuseen usoo bandhigeen inay khilaafkan ay madax-dhaqameed ahaan soo dhex galaan isla markaana u gar qaadaan labada garab gaar ahaan labadooda khilaafku ka dhex taagan yahay.
Sidoo kalaena xoga warkani nasoo gaadhsiiyay ayaa waxay noo sheegeen in odayaashan iyo waxgaradkani ay jamal sidoo kale usoo bandhigen in kiiska khilaafka laga soo saaro maxkamadda oo dabada lagu dhameeyo khilaafka isla markaana la heshiisiiyo gudoomiye Faysal.
Ilaa hada lamam garan karo in musharax Jamaal ku gacan saydhay qodobada ay odayaasha iyo waxgaradkani ula yimaadeen iyo inuu ka aqbalay toona.
Bulshada Somaliland ayaa iyagu u dhag taagaya natiijada kama danbaysta ah ee kasoo baxda khilaafka xisbiga UCID iyo waliba halka uu sal dhigan doono khilaafkaasi ragaadiyay xisbiga UCID.