Borama (Saxil News.com)-Shir Jaraaid oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Haldoor ee Magaalada Boorama Salaadiinta, Cuqaasha iyo odaydhaqameedyada Beelaha Maxaamed Case ayaa waxa ay kaga dareen celiyeen hadalo maalmahii u dambeeyay warbaahinta ku badnaa, kuwaasi oo sheegayay in la caleemo saaridoono suldaan guud oo ay yeeshaan beelaha Habar-muuse, waxana ay shirkaasi jaraa’id ku daadufeeyeen gabi ahaanba hadaladaasi, kuwaasi oo ay ku tilmaameen kuwo been abuur ah, ilaa hadana aanay jirin wax suldaan ah oo laga arinsaday oo ay yeeshaan beelaha Habar-muuse, sidoo kalena waxa ay shirkaasi jaraaid fariin ugu direen, xukuumada iyo beelaha kale ee ay Walaaha yihiin beelaha Maxamed Case.
Ugu horayn ayaa waxa shirkaasi ka hadlay salaadiinta Beelaha Habar-muuse
oo ay arintu qusayso waxa uu Sul. Ibraahim Cabdi Riiraash oo isagu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ganafka ku dhuftay damaca la rabo in lagu sameeyo suldaan Guud oo ay yeeshaan beelaha Habar Muuse waxana uu yidhi “Anigu waxa aan ahay Suldaanka beelaha Reer Maxamed, Beelaha habar Muuse la yidhaana beel walba suldaan ayay leedahay, doorashadiisana loo wada joogay oo ay Soomaali oo dhani u joogtay, Waxa aan u arkaa dadka leh waxaan samaynayaa Suldaan Guud oo beelaha Habar Muuse ah, kuwo horseedaya, khilaaf iyo is-qaqabsi hor leh, waa wax aanaan ogayn, ka salaadiin ahaana aanaan ogayn, ujeedadiisana, waxa aan u malaynay wax dan kale laga leeyahahay, sidaas darteed, waxa aan leenahay ma ogolin, tolkana waxa aan ogaysiinaynaa oo waxa aan leenahay, waxaasi waxba kama jiraan oo ma yeelayno, cida wada ee nabadgalyada xumaynaysana waxa aan leenahay la idinka yeeli maayo, Hayadaha Dawliga ahna waxa aan leenahay nabadgalyada idinka ayaa ka masuul ah ee wax ka qabta cida wax u dhimaysa.
Sul. Abshir Maxamed Ducaale oo isaguna hadalka qaatay ayaa waxa uu yidhi “Habar Muuse beelaheedu waa 4 Jibib, sedex ka mid ahina Sulaadiiin ayay leeyihiin oo Maris iyo Aadan aniga ayaa u suldaan ah, waxa weeyaan wax baa na soo galay oo kolay qarsoomi maayo oo halka uu ku lug leeyahay waa la ogaan doonaa, Waxa aan warbaahinta ka maqalnay wax ka jiraa ma jirto, anaku dhaqan ku nool ayaan nahay, Umada hadii dhaqanku ka xumaadana way baaba’daa, waxa la noo doortay inaan dhaqanka ilaalino, Waxaas anaku ma ogin, Maxamed Case ma oga, Habar muuse ma oga, waa wax cid kale ay wadato, cida lawataayna inamadayadii ayaad tihiine waba idinkama sheegayno’e waxaase waba idiin noqon maayo, dhaqanka tolkiin ha xumaynina, dhaqanka tolkiina ha xumaynina, Dawladuna, waxa aan la ilaalinaa amniga’e iyaduna dhaqanka ha nala ilaaliso, yaanay na hoos wadin, yaanay naga gacan siinin, dhaqanku hadii uu baaba’ana xukuumada ayuu saamayn oo amniga ayuu saamayn, waxaasna ma ogin, walina wayn nagu been abuuranayaan ee cida wadaa ha ka joogaan, oo ha u tudhaan mustaqbalka iyo magaca tolka, intaasi ayaaba wax na yeeshay ee ha la ilaaliyo dhaqanka.
Boqor Cismaan oo isaguna haldalka qaatay ayaa yidhi “Anigu Caaqil Cismaan Muuse ah ayaan maqlayay, waxa aan maalmahan dambe maqlayay salaadiin habar Muuse ah ayaan maqlayay, waxana aan islahaa waa mid la isaga ciyaar-ciyaarayo’e isma lahayn goob fagaare ah ayaa la keenayaa, waanse ka xumahay in warbaahinta la mariyay, Habarmuusena waa qolo balaadhan oo qolo walba hogaankeeda leedahay, sidaas marka ay tahay suldaan guud hadiila samaynayo, horta in baahi keento oo baahidu ay horayso ayay ahayd, hadii aanan loo qabin baahina la samayn maayo, hadii la isku raaco in loo baahan yahayna waa la samayn. markaa waxa ka horaysay waan Shaacinay iyo waan caleemosaaraynaada in la is arko oo inta ka kooban tahay Habar Muse ay u fadhiisayo, ma aha wax maqsin gudihii lagaga arimiyo arinta Habar Muuse, ilaa maantana Suldaan ay Habar-muuse leedahay ma jiro, cidii waxaas ku kacdana waxa aan la kaashanaynaa sharciga, cid dambe oo waxaas sii wadana ma ogolin, sidaas darteed waxa aan u sheegaynaa Beelaha Maxamed Case, hadii aan nahay Habar Muse in aanay jirin Suldaan Guud oo aan samaysanay, waxa la maqlayna uu yahay wax xan ah oo kaliya, dawladana waxa aan leeyahay wixii dhaqanka wax ka xumaynaya wax ha laga qabto.
Sidoo kale ayaa waxa hadalka qaatay duqayda dhaqanka ee beelaha Maxamed Case oo ka baxsan xayndaabka beelaha Habar muuse, waxa hadalka qaatay Sul. Muuse Cilmi Dugsiiye waxana uu yidhi “Umada waa la yaqaan oo hogaan ayay leedahay, waxa ay salaadiintaantu sheegtayna waa wax aan ka yaabnay oo aanu garan waynay meesha uu naga soogalay, waxana uu u egyahay kootarabaan meel kale laga keenay, oo ay siyaasadi ka dambayso, wax ay siyaasadi wadaana ma fogaado, markaa hadii aanu nahay anakuna salaadiintii kale ee beelaha Kale ee Maxamed Case, wax aanad arki jirin marka aad aragto Bisinka ayaa laqabsadaaye, bisnka inoo qabta, Fara-galin ayaan u aragnaa, gardaro cad ayaan u aragnaa, wax inamo yaryari wadaana ayaanan u aragnaa oo cida wadaa way ku guban doontaa, sababta oo ah dhaqan ayaa jitra, oo silsilad hogaan dhaqan ah ayaa jirta, mana soconayso in laga dul boodo, oo koox yari ay tidhaa sida aan doono ayaan wax yeelaynaa, Waxana aan leeyahay waa halkii Hibo Ruura’e Hadaad kaligaa is mooday, inaad kalgacayl abuurto, ragbaa kaa sii koreeya’e Jacaylkaagii kaxayso” waar cida waxan wadaay rag baa kaasii koreeya’e Hawshaadan aan soconayn kaxayso”
Sul. Muxumed Jaamac Hadi Jar iska Xuur oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Waxa aan maqlay waan ka xanaaqay, Waxana aan leeyahay waa wax aanan loo baahnay, in tolka la baal maro, tan dhacdayna waa lama arag oo anigu waan diiday, wax baa ka dambeeyay, waxbaa ka hooseeyay, waana wax aanan loo baahnay, waxana aan leeyahay waar tolka u soo laabta oo arintaasi ma soconayso’e ka hadha”
Caaqil Tukaale Riiraash oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Arinta laga hadlayo kolka aan ka maahmaaho “Geel labada Lugood habeed ku leh waa la arki jiray, balse geel labada jeeni habeed ku leh lama arag, arinkanina waxa uu la mid yahay Hal labada jeeni ee hore habeed ku leh, waayo ma lahayn dhaqankaasi beelahani, anagu hadii waxan la abuuray uu sidan u xun yahay waan ka xunahay Maxamed Case ahaaan, waxana aan leeyahay raga waxan sameeyay ee tirada kooban ahoow, ee dadkii ay ka dhasheen tiradiisu badan tahay ee aan anakuna ka dambaynoow, waar waxaas aad shalay samayseen ha u noqonina, raga arinkan Ba’an lagu wadawna wax kale oo ka wayn oo ka barako badan oo laguugu duceeyo doondoono oo intaas ha isku halaynin”
Cuqaasha Beelaha Habar-muuse ee iyagu xaqa u lahaa inay soo gorfeeyeen isla markaana keenaan baahida Suldaan ay yeeshaan beelaha Habar-Muuse oo ay ka mid yihiin Caaqil Cismaan Barkhad Xirsi, Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Cabdale Baytari, Caaqil Faarax Qalinle Dhimbiil, Caaqil Aw-Cadi Faarax Geele, Caaqil Cismaan Djibouti oo iyaguna ku hadlay afka cuqaasha beelaha ayaa waxa ay ku dheeraadeen ahmiyada ay leedahay in dhaqanka la xushmeeyo, arimaha beelahana aanan laga dhigin wax laab la kaca ah, waxana ay taageero u muujiyeen hadalka salaadiina ka horaysay, iyaga oo xukuumadana ka dalbaday inay talaabo ka qaado cid walba oo dhaqanka ka hor timaada.
Suldaanka Guud ee beelaha Maxamed Case Suldaan Ibaahim Jaamac Samatar oo isaguna madasha oo afmeeray ayaa hadal balaadhan ka soo jeediyay madasha waxana uu yidhi ” Waxa aan aad uga xunahay arimaha laga soo sheekeeyay oo ah kuwo been abuur ah, oo laga been abuuray beelaha Habar Muuse oo la sheegay waxa la samaynayaaa Suldaan guud oo beelaha Habar Muuse ah, been abuurkaas ayaan halkan u nimid inaan beenino, marka la doonayo in la caleemo saaro Suldaan, wada tashi beelaha oo dhan ah ayaa ka horeeya oo mudo la gorfeeyo, kadibna la isku keeno, arinkanina ma jirto cid ogi, ma oga beelaha Habar-muuse, ma oga beelaha Maxamed Case, mana ogi aniga oo ah Suldaankii Guud, wax jirana ma ah, dad tiro yar ayaana wata waana siyaasado meelo kale ka socda, waxa aanu halkan ka cadaynaynaa oo aan go’aaminayaa in arinkaasi ay ka hadleen salaadiinta Habar-muuse, iyo salaadiinta iyo cuqaasha Maxamed Case uu yahay arin aanay waxba ka jirin oo aanan waxba ka ogayn, wax soconayana aanu ahayn, sababta oo ah laba nin ayaa tiraba la iska daba keenay oo la yidhi Suldaanka Habar-muuse ayaan u caleemo saaraynaa, waxa halkaasi ka cad inuu yahay wax been abuur ah oo aan ka tagsanayan in dhaqanka lagu ciyaaro, markaas waxa aan leenahay, waxa aan cadaynayaa aniga oo ah suldaankii Guud ee Beelaha Maxamed Case in aanu arinkaasi waxba ka jirin, cida faraha kula jirtana hadii ay kala bixi waydo waxa aan ka qaadaynaa talaabo sharci ah, waxa aan odaysiinayaa oo kale hayadaha ay khusayso oo aan u gayni doono qoraal in ay arintaas la socdaan oo ay ka qaadaan talaabada waafaqsan ee amniga ilalinaysa, sidaas ayaan lasocdsiinaynaa, waxana aan u sheegaynaa beelaha kale ee aan walaalaha nahay in salaadiintii hore ee beelaha mooyaane aanay jirin cid kale oo cusub oo ku soo biirtay, hadii ay dhacdo in la hindisana waxa loo mari doonaa dariiqeeda saxda ah ee dhaqanka waafaqsan”
borama Saxilnews.com