Obama iyo Netanyahu oo kulmaya

0
24
Madaxwaynaha Maraykanka iyo Rai’sal wasaaraha Israa’iil

Madaxwaynaha dalka Maraykanka iyo Rai’sal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kulmaya markii u horaysay tan iyo markii uu calaaqaadkoodu u xumaaday heshiiska nukliyeerka ee ay kala saxiisdeen Iran iyo quwadaha adduunka.

Wadahadalka Washington wuxuu imaanayaa iyada oo bartanka lagaga jiro qalalaaso ka dhextaagan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Lix Israa’iiliyiin ah ayay Falastiiniyiin mindi ku dhaaween axadii.

Haweenay Falastiiniyad ah oo isku dayday in ay mindi ku weerarto ilaalo Israa’iiliyiin ah ayaa toogasho lagu dilay maanta oo isniin ah.

Netanyahu wuxuu doonayaa in Maraykanku uu sare u qaado kaalmada millitari ee uu Israa’iil siiyo sanad walba.

Wadahadalkani waxaa la filayaa in uu boosku u xaaro in kaalmada millatari ee Maraykanku siiyo Israa’iil in la gaarsiiyo 5 bilyan oo doolar sanadkiiba meesha ay hadda ka tahay 3.1 bilyan oo doolar sida ay warbaahintu tabinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here