NUXURKA QODOBO LAGAGA HADLAY SHIRKII GOLAHA WASIIRADA EE MAAMULKA PUNTLAND

0
23

Hargeysa(saxilnews.com):-Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay arimaha, Amniga Dalka, Habka Hubinta Badeecadaha, Ilaalinta Gaadiidka Dawladda gaar Gaadiidka G D ah.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga Puntland, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu si gaar u bogaadiyay ciidankii hawl-galka ka fuliyay Degmada Boosaaso oo ka hortagay xubno Al-shabaab ah oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Puntland iyo ciidanka Boowliiska Puntland.

Habka Hubinta Badeecahada:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dhageystay warbixin wasaaradda Ganacsigga Puntland qaabka   hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha dalka

soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka  Puntland qatarta  iyo waxyeelada baddeecaha dalka la soo gelinayo, waxayna wasaaraddu caddeysay  in hannaanka tayo dhowr Puntland uu la mid yahay hannaanka tayo dhowrka Barigga  Africa, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda in loo sameeyo shacabka iyo ganacsatada-ba  wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeelada badeecaha dhacay ama sumaysan  ay u geysanayaan  caafimaadka bulshada.

Ilaalinta Gaadiidka  Dawladda ee G D ah:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday ilaalinta hantida Umadda gaar ahaan gaadiidka G D ah, wuxuuna  Madaxweynuhu ku adkeeyay dhammaan golaha inay mas’uuliyad  saaran tahay golaha xukuumadda ilaalinta dhammaan hantida Dawladda.

 

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here