Nuxurka Khudbaddii Netanyahu U Jeediyay Congresska Maraykanka iyo Jawaabta Obama Ka Bixiyay

0
30

Washington (saxilnews.com) Ra’isal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa Congress-ka Maraykanka u jeediyay Khudbad buuq badan ka abuurtay gudaha Maraykanka, waxaanu sheegay in heshiis ay Iiraan la gaadhan wadamada quwadaha aduunka lagu magacaabaa dhabaha u xaadhayso awood dheeraad ah oo Iiraan ku yeelato Gobolka Bariga dhexe iyo inay waliba hesho Hubka Nuclear-ka balse Madaxweynaha Maraykanka ayaa arrintaasi kaga aragti duwan.

Ra’isal Wasaaraha Israel, ayaa dunida oo dhan ugu baaqay in loo midoobo Iiraan oo uu u arko Khatarta Israel. Waxa uu sheegay in heshiis lala gaadho Iiraan keenayo inay gobolka ku fido islamarkaana cabudhin iyo cadaadis ku kordhiso.

Wadamada lixda ah ee Quwadaha Caalamka lagu magacaabo ayaa bishan Iiraan kula heshiinaya inay muddo 10 sanno ah joojiso tayaynta Tamarta Nuclear-ka, taas badalkeedana laga qaado Cuno qabataynta, hase ahaatee Netanyahu, waxa uu aaminsan yahay inaan Iiraan lagu kalsoonaan Karin.

Netanyahu oo ka hadlaya Qorshaha Iiraan lagula heshiinayo waxa uu yidhi “Qorshahani wax xal ah uma keeni karo Iiraan, wuxuu sii Xumaynayaa Xaalka bariga dhexe. Qorshaha oo ujeedadiisu tahay ka hor tagida faafida hubka Nuclear-ka, ayaa keeni kara Helitaanka Hubka Nuclear-ka. Qorshahani ma joojin doono Hubka Nuclear-ka laakiin, faraha ayuu ka sii bixin doonaa oo wuxuu noqon doonaa Mid bariga dhexe ku gaashaaman yahay wakhtiyada soo socda”

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Obama, ayaa ka jawaabay hadalka Nentanyahu “Marka laga hadlayo habka ugu muhiimsan ee Iiraan lagaga joojinayo helitaanka Hubka Nuclear-ka, kaasi oo Iiraan ka dhigaya dal khatar badan Awoodiisuna ku baahsan tahay Gobolka, Ra’isal wasaaraha Israel ma sheegin qaab kale oo lagu wajihi karo arrintaasi ama Iiraan samaysashada hubkan lagaga joojin karo”

Madaxweyne Obama waxa uu intaasi raaciyay “Haddii aanu ku guulaysano qorshahan, wuxuu noqonayaa sida ugu haboon ee Iiraan lagaga hor istaagi karo helitaanka Hubka Nuclear-ka, mana jir hab kale oo u dhaw, xataa cuno qabatayni waxba kama tarayso, xataa talaabo Militari kama wanaagsanaanayso qorshaha aanu hadda soo bandhignay. Waxaan aaminsanahay inaan himilada Xukumadda Iiraan aanay arrimaha gobolka naga xeelin, sida Argagixisada oo aanu walaaceeda la wadaagno si joogta ahna ugala shaqayno Israel”

Khudbadda Netanyahu waxa ay ahayd mid buuq badan dhalisay, sababtoo ah, afhayeenka xisbiga Jamhuuriga ayaa casuumay asigoo aan ku wargelin xisbiga dimuquraadiga iyo aqalka cad.

saxilnews.com//Washington //office
Hamzabarkhad@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here