Nuxurka Heshiis Ay Wada-gaadheen FARMAAJO Iyo Isaias Afwerki

0
19

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya kulan kula qaatay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada Madaxweyne waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya, hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Dowladda Ereteriya ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ay isku af-garteen in la xoojiyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Ereteriya ayaa sheegtay in labada dhinac ku heshiiyeen in la cusboonaysiiyo heshiishkii Asmara ee 2018 ee u dhexeeyey Dowladdaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika.

Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee shalay ku gaadheen Magaalada Asmara, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay inay ka go’an tahay adkeynta xidhiidhka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalka uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here