Nolosha hadda ee Kabul: “Mee muxrimkaagii, gabadh yahay”

0
14

“Maxaad u safraysaa maxram la’aan” Mid ka mid ah ilaaliada Taliban ayaa weydiiyey gabadh reer Afghanistan isagaa oo ka waraysanaya sababta aanu nin ehelkeeda ahi ula socon.

Waxa ay fadhiday kursiga danbe ee gaadhi dadweyne oo xilligaasi soo istaagay goob ay ku kala baydhaan baabuurtu, halkaas oo ka babbanayey calanka cad ee Taliban.

Maxaa laga oggol yahay Kabul iyo maxaan laga oggolayn?

Taliban hubaysan, ayaa weydiiyey in ay u wacdo ninkeedii. Markii ay u sharraxday in aanay haysan telefoonna, waxa uu amray gaadhi kale oo taksi ah si dib ugu celiyo gurigeedii ayna u soo kaxaysato saygeedii, isla markaana uu dib u soo celiyo. Sidaas ayaa ay danteedii ugu xllisan tay.

A trader in Kabul
Qoraalka sawirka,Suuqa Kabul ayaa weli furan 

Magaalada Kabul ayaa u muuqata magaalo sideedii ah. Inkasta oo dhanka kale aanay ahayn.

Imika waa caasimad ay xukumayaan qoorweyntii Daalibaan, sida oo kalena waddooyinkeda ay kala hagayaan Daalibaan.

“Ka taxaddar sida aad ula dhaqmayso dadkaa? Dalkan wax badan ayuu soo dhibtooday, debecsanaada” ayuu ku boorriyey Afhayeenka Daalibaan Zabihulluah Mujahid, war saxaafadeed ay qabteen maalintii ugu horreysay ee ay baxeen ciidammada metelayey Maraykanka.

Wax badani uma baahna in la sheego, laakiin isla bilawgii markii Daalibaan bil ka hor ay soo galeen Kabul, Afgaaniyiin badani waa ogaayeen sida xaalku ahaan doono. Niman badani waxa ay joojiyeen xiiridii gadhka, waana ay la baxeen. Haweenkii waxa ay soo wada qaateen cabbaayado iyo hagoog madaw iyaga oo hubinaya dhererka dharkooda.

Sidoo kale, waxyaalo kale oo badan ayaa isbeddelay.

Riyadii dhimtay’

“Maxaan sameeyaa?” Dad badan oo reer Afgaanistaan ah ayaa si deg -deg ah u codsada talooyin, iyo caawimaad si ay uga baxsadaan, iyagoo saacado badan ku qaadanaya taleefannadooda iyo kombiyuutardarada.

Maryam Rajaee waxay waxaa usii qorshaysnaa waxa ay fali doonto marka Kabul ay burburto.

15kii Ogosto, markii dagaalyahannada Daalibaan ay soo galeen waddooyinka, waxay aqoon-isweydaarsi muddo dheer ay sugaysay u qabanaysay xeer-ilaaliyeyaasha dumarka ah ee dalkaas.

“Waa inaan sii wadnaa,” ayay ardaydeeda si xamaasad leh uga baryeen markii ay u sheegtay hanjabaadda soo socota.

Laakiin fasalkeedii ayaa isla markiiba ay iska casishayay isbadalkan lama filaanka ah awgii. Tan iyo markaas, Rajaee waxay marba u guuraysay guri oo ammaan ah waxayna la socday qoyskeeda oo ay ku jiraan laba carruur ah oo yaryar.

Maryam Rajaee was teaching when the Taliban took over
Qoraalka sawirka,Maryam Rajaee ayaa haysatay markii hore shaqo wanaagsan 

Gabadheeda oo saddex jir ah, Niloofar, ayaa durbadiiba sheegtay inay rabto inay noqoto injineer.

Ma jirto cid si aan dhab ah u hubin waxa ay ula jeedaan hoggaamiyeyaasha Daalibaan marka ay leeyihiin haweenka iyo gabdhaha waxaa la siin doonaa “dhammaan xuquuqdooda Islaamka dhexdiisa”.

Haween badan, oo uu ku jiro Rajaee, ayaa si aan la hubin loogu sheegay, “ha ku soo laaban xafiiska”. Dad badan ayaa ka baqaya inaan marna loo oggolaan doonin inay ku noqdaan noloshii ay ku noolaayeen magaalo aysan u arkin inay iyagu leeyihiin.

“Waa xaqayga inaan waxbarto, inaan helo shaqo wanaagsan, inaan ka qaybgalo bulshada si heer sare ah,” Rajaee ayaa noo sheegaysa iyadoo ag fadhida buundo buugaag ah oo loogu talagalay shahaadada jaamacadeed, iyo shaqadeeda oo madax ka ah cutub ku saabsan jinsiga iyo wacyigelinta xuquuqda aadanaha.

“Dhammaan riyadaydii waa la burburiyay,” ayay si hoosaysa noogu sheegtay

Labaatan sano oo ka -qaybgal caalami ah ahi ka jiray Kabul, kaas oo u abuura fikrado cusub, aqoonsiyo cusub.

Hameed, a cook who worked at the British embassy
Qoraalka sawirka,Hameed waxaa uu la shaqaynayey safaaradda British-ka, waxaanu dareemayaa in la khiyaamay 

Laakiin Hameed, iyo ilaa 60 shaqaale kale oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu shaqaaleeyay qandaraasle khaas ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ku dhawaad dhammaan shaqaalihii sida tooska ah uga shaqaynayay xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ay ku guuleysteen in ay ka duulaan Kabul ka hor inta aysan Taliban soo gelin; qandaraaslayaal ayaa laga tagay.

“Aad baan u shaqaynay, xitaa intii lagu jiray xidhitaanka Covid. Haddii aanay halkan naga saarin, waa khiyaamo weyn,” ayuu ku calaacalay Hameed. Ingiriiska, sida qaar ka mid ah waddamada kale ee reer Galbeedka, ayaa ballan qaadaya inay ka helaan waddooyin ay ku caawiyaan, waddamada saddexaad, laakiin dad badan waxay u tahay rajo -xumo iyo khatar badan in la helo waddooyin cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here