Ninkii qoriga iska dhigay ee taajirka noqday

0
20
Sir Jack oo dhalinyaro la sawiran
Taxanaha barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss wuxuu ka warramayaa taariikhda hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee adduunka daafihiisa kala duwan. Toddobaadkan waxaan la hadalnay Sir Jack Petchey, oo ah ganacsade u dhashay Britain, oo si iskiis ah horumar u sameeyay.

Ka hor inta uusan waddada taajirnimada gacta saarin, wuxuu ku howlanaa arrimo sharci darro ah, oo mustaqbalkiisa galaafan karay.

“Haddii aan kusii taagnaan lahaa waddo khaldan, waxaan ku muteysan karay xabsi ama wax ka daran,” ayuu yiri Sir Jack Petchey.

Xirfaddiisa ganacsiga oo soo socotay in ka badan 70 sano waxay kasoo billaabatay hal gaari oo tagsi ah oo uu lahaa, markii dambena waxay gaartay hanti qiimaheeda lagu qiyaasay £550milyan oo gini.

Ganacsadahan heerka sare isgaarsiiyay wuxuu sheegay in xilligiisii ugu xumaa uu ahaa mar la xiray isagoo ku sugan waddanka Portugal.

Sanadkii 1974-kii, ayaa isagoo markaas ku jira dhisme loo dalxiis tago oo ku yaalla gobolka Algarve, waxaa dhacay afgambi milatari.

Waxaa jiray tuhun badan oo ku aaddanaa in dad ajaanib ah ay maalgashi ka sameysanayeen waddankaas. Waxay arrintaas u caddaatay markii isaga qudhiisa xilli 1am habeenimo ah maxkamad lasoo taagay, laguna soo oogay dacwad ku saabsan inuu jabiyay shuruucda isticmaalka lacagaha qalaad.

“Nasiib wanaag waan isdajiyay, waxaa la igu sii daayay damiin, labo sano kaddibna kiiskii waa la iska laalay,” ayuu yiri.

‘Waan ogaa in aannaan ahayn dad taajiriin ah’

Wixi intaa ka dambeeyey wuxuu billaabay inuu howshiisa si caadi ah isaga sii wato, sidoo kalena wuxuu billaabay inuu ku noolaado duruufo hooseeya.

Sir Jack oo dhashay sanadkii 1925-kii, wuxuu waqtiyadiisii ugu horreeyey noolashiisa ku qaatay deegaanka Manor Park ee ku yaalla bariga London, isaga oo ku noolaa guri hal qol ah, oo musqushiisa ay bannaanka ku taallo.

Qoyskiisa waxay maalin walba oo Jimce ah ku qubeysan jireen deyrka gudiga.

Jack Petchey oo da'yar ah

Qoraalka sawirka,Sir Jack oo 15 jir ah

Transparent line

Sir Jack noolashiisa carruurnimada aad ayuu u xusuustaa oo weli ma uusan illaawin.

“Waddooyinka ayaan ku ciyaari jirnay, xaafadaha jaarka albaabkooda intaan garaacno ayaan ka carai jirnay, ama qadaadiic ayaan waddada ku tuuri jirnay si aan ugu qosolno dadka waddada maraya ee qaadanaya.”

“Kuma aannaan fikiri jirin inaan sabool nahay, balse waxaan ogaa aannaan ahayn dad taajiriin ah!”

Inkastoo Sir JAck uu hadda u ol’oleeyo arrimaha waxbarashada, isagu heer fiican kama uusan gaarin iskuulka. Markii ay da’diisa ahayd 13 ayuu isaga tagay iskuulka, kaddibna ma uusan sii wadanin waxbarashadiisa.

Muddo yar kaddib wuxuu shaqo ka helay xafiis uu adeege ka ahaa.

Marki uu 1939-kii dagaalka qarxay wuxuu si iskiis ah uu ugu biiray ciidamada cirka iyada oo ay markaasi da’diisu ahay 17 jir.

Jack Petchey

Qoraalka sawirka,Sir Jack oo dhlinyara ah oo ku xareysan dugsiga ciidamada badda

Transparent line

Waxaa loo xushay inuu ka qeyb galo tartan dallacsiin sargaalnimo ah, balse wuxuu ku dhacay imtixaanki laga qaadayey, qof kale oo dhinaca waxbarashada uga heer sarreeyay ayaana ka guuleystay.

Ninka jagadaas uga guuleystay wuxuu lahaa aqoon ku filan, laakiin ma uusan lahayn wax khibrad ah.

Arrintaas ayaa Sir Jack sabab ugu noqotay horumarka weyn ee uu maanta gaaray, sida uu ku sheegay wareysiga uu siiyay BBC-da.

Durbadiiba waxaa Sir Jack loo wareejiayay saldhigga ciidamada cirka.

Wuxuu ku biiray cutubkii Fleet Air Arm, wuxuuna ugu dambeyn injineerka diyaaradaha, isaga oo ka shaqeeynayay dayactirka diyaaradahii dagaalkii labaad ee adduunka ka qeyb qaadanayay.

Si gaar ah wuxuu u qaabilsanaa dayactirka diyaaradihii ku guda jiray howlgalkii Normandy landings ee bishii June 1944.

Markii uu ciidamada milatariga ka baxay wuxuu dib ugu laabtay shaqadii xafiiska ee uu hayay dagaalka ka hor. Laakiin wax yar kaddib wuu ku caajisay, wuxuuna billaabay inuu horay usii socdo, tallaabo kalena u qaado dhinaca horumarka.

“Hammi aad u weyn maadaama aan lahaa, waxaan dalbaday in tababar dhinaca maamulka ah la i siiyo. Balse madaxdii xafiiska ayaa ii sheegay “inaanan ahayn qof maamule noqon kara.”

Presentational grey line

Xafiiskii uu ka shaqeeynayey wuxuu ku wargeliyey inuu shaqada isaga tagayo, maadaamaa mushaarka uu qaato uusan ku filneyn kirada gurigiisa.

Intaa kaddibna £48 gini oo laga siiyey xafiiski uu ka tagay iyo lacaga yar oo u keydsaneyd ayuu isku darsaday wuxuuna iibsaday gaari celis ah, isaga oo billaabay inuu ku shaqeysto xirfadda taksiilanimada.

Jack Petchey

Qoraalka sawirka,Sir Jack gaarigi ugu horreeyey uu bariga London shaqqada taksiga uu ka billaabay

Transparent line

Ugu dambeyntina, wuxuu soo iibsaday gaari kale, sanadkii 1948-kiina wuxuu furtay shirkad gawaarida kireysa.

“Intaas kaddib waxaan ogaaday in iibinta gawaarida ay ka faa’ido badan tahay taksiilanimada” ayuu yiri. “Waxaan sameystay goob gawaarida iibka ah aan ku soo bandhigo, waqti dheerba iguma qaadan inaan ogaado gawaari iibinta iney faa’iido badan leedahay.”

Sir Jack xilliga uu furanaya goobta gawaarida uu ku iibiyo

Qoraalka sawirka,Sir Jack (dhexe) goobti ugu horreysay uu u furtay inuu gawaarida ku iibiyo

Ganacsigiisi 1974-kii markii uu qasaaray oo ay hantidiisii baaba’day wuxuu hormuud u noqday mashuuc ganacsi oo sanadihii 1980-meeyadii ka curtay Yurub, wuxuu UK ka furtay xafiis u gaar ah.

Howlaha uu markaas ganacsiga ka sameynayay waxay aahaayeen iibinta dhulka iyo guryaha dalxiiska loo tago xilliyada fasaxa.

1990-kii wuxuu iibsaday kooxda kubadda cagta ee Watford, kaddibna wuxuu kooxda dib uga sii iibiyey fannaan caan ah sanadki 1996-kii.

Sir Jack oo baarlamaanka hortiisa sawir kula galay koox guul soo hoysay

Qoraalka sawirka,Sir Jack oo baarlamaanka hortiisa sawir kula galay koox guul soo hoysay

Jack Petchey ardayda, macallimiinta iyo waaliddiintooda hortooda wuxuu kaga sheekeeyey caqabadihi nolasha ka soo maray si ay waaya aragnimo uga korosadaan.

Aiden Kemp waxay ka mid tahay dhalinyarada ay 200,000 tiradooda kor u dhaafeyso ee uu aqoonsaday sanduuqa uu maalgeliyey Sir Jack.

21 sano uu sanduuqu jiray wuxuu tartanno iyo xayesiisyo uu qabtay uu ka soo xareeyey £133 malyan oo gini.

Sawirkan oo ay galeen 2020

Qoraalka sawirka,Sir Jack oo la taagan wiil uu soddog u yahay iyo laba wiil uu awoowo u yahay

Sir Jack hadda da’diisu waa 95 jir, inkasta oo ay tabartiisa sii yaraaneyso oo socodka uu dhibayo weli wuxuu niyad u hayaa inuu shaqeeyo.

Wiilka uu awoowga u yahay Matt Rantell, oo mas’uul ka ah sanduuqa samafalka ah ayaa sheegay in awoowgii uu mar weliba jeebkiisa ku sito kaarar ay dhanna uga qoran tahay ‘dhoolla caddee’, dhanka kalana kaga qoran tahay cidna ha dhaleeceyn, ha eedeyn hana cambaareyn.

Waxaa la weydiiyey muddadi uu ganacsiga soo waday inay jireen howlo uu isleeyahay haddii uu qaban lahaa sida uu u qabtay si ka duwan?

“Ma wanaagsana wixii aad soo martay inaad dib u jaleecdo, mar weliba waa inaad hortaada fiirisaa, Xaqiiqatan ma jirto wax aan ka qoomameynayo oo aan isleeyahay wey ku dhaafeen,” ayuu ku jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here