Ninkii faafiyey sirihii waaweynaa ee kubadda cagta oo maxkamadi ku socoto

0
20
Rui Pinto

Ninkii bannaanka soo dhigay heshiisyo badan oo shaki lahaa oo ay qayb ka ahaayeen naadiyada kubada cagta ugu sarreeya, wakiillo iyo ciyaartooy ayaa kiiskiisa ahaa ‘bixinta sirahii ciyaaraha ” loogu maxkamadaynayaa dalka Portugal.

Rui Pinto, oo 31 jir ah, wuxuu isku sifeeyaa inuu yahay mid ka mida dadka “wax sii sheega ama saadaaliya” halkii uu ka ahaan lahaa “mid xogaha jabsada”, isagoo sheegay inuu u falay si uu u soo bandhigo musuqmaasuqa ka jira kubadda cagta. Malaayiin dukumiinti ayaa uu soo dusiyey xilligaas, arintaas oo dhalisay su’aalo sharci ah.

Xogta qaar ayaa gacan ka gaysatay dacwaddii Uefa ee ka dhanka ahayd Manchester City, oo markii dambe laga qaaday ganaaxii Champions League.

Xogtan sirta ah ee laga helay warbaahinta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2016.

Maxay ahaayeen siraha uu bixiyey?

Boggiisii xogtu – waxa uu ahaa shabakaddii siraha ee Wikileaks oo qaabilsan kubbadda cagta oo kale – waxaa lagu faafiyey malaayiin dukumiinti iyo in ka badan 3.4 terabyte macluumaad ah xarumaha warbaahinta ee isbahaysiga baaritaanka Yurub (EIC), oo ah shabakad saxafiyiin ah.

Boqolaal maqaal ayaa la qoray iyada oo lagu saleynayo xogta sirta ah ee qarsoon, taas oo lagu soo oogay kiisas la xidhiidha cashuur la baxsi iyo heshiisyo shaki geliyay oo ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah kooxaha kubada cagta ugu sareeya iyo xiddigo waaweyni. Waxaana arrintaasi abuurtay in baadhitaanno xagga garsoorka ah laga bilaabay dalalka Faransiiska, Spain, Belgium iyo Switzerland.

Shaacintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan heerka xakamaynta ee maamulayaasha kooxaha, iyadoo lagu eedeynayo in heshiisyo badan oo kala iibsi iyo maalgashi kooxeed ay si liidata oo aan sharci ahayn u dhaqan galeen.

Xogta ayaa muujisay sida shakhsiyaadka iyo ururrada Khaliijka Carabta ee hodanka ah sida ay haatan saameyn xoog leh ugu leeyihiin qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, iyo doorka ay ku leeyihiin canshuur celinta macaamilka kubada cagta.

Wakiilka awooda badan ee Bortuqiiska Jorge Mendes ayaa kamid ahaa dadkii la baadhay, ee xogahahaasi laga faafiyey.

Xiddigga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo, oo horey ugu ciyaari jirey kooxda Real Madrid, ayaa kamid aha macaamiisha ugu sareysa Mr Mendes. Cristaino Ronaldo ayaa laga baadhay lunsashada canshuuraha bishii Janaayo, wuxuuna ogolaaday inuu bixiyo lacag dhan € 18.8m (£ 16.7m) oo ganaax ah intii uu joogay dalka Spain.

Manchester City players (light blue), 8 Jul 20

Qoraalka sawirka,Manchester City waa kooxihi ay saamaysay xogahaaasi

Kuma ayuu ahaa Rui Pinto?

Wuxuu abuuray xogo sir ah oo kasoo baxa shakhsiyad aan la aqoon oo magaca afgarashadu u ahaa “John”, oo fadhigiisu yahay Budapest, Hungary, halkaas oo uu ka ahaa arday taariikhda ka barta. Waa Portuguese dhalasho ahaan, waana taageere kooxda FC Porto.

Waxaa la qabtay bishii Janaayo 2019 labo bilood ka dibna waxay Hungary ay ku wareejisay Boortaqiiska, halkaasoo markii hore lagu xidhay meel gaar ah ka dibna markii dambe loo wareejiyay xabsi guri.

Bishii Janaayo ee sanadkan wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay ninka kashifay kiiskii “Luanda Leaks”: oo ahaa dukumiintiyo muujinayey sida bilyaneeradda Isabel dos Santos, oo ah gabadh uu dhalay madaxweynihii hore ee Angola, ay u hantisay hantideeda. Way beenisay inay wax khalad ah gashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here