Nin U Dhashay Dalka Yeman Oo Maanta Isku Hor Gubay Haayada Qaxoontiga Aduunka Ee UNHCR Xarunteeda Hargeysa+Sababta

0
30

Nin U Dhashay Dalka Yeman Oo Maanta Isku Hor Gubay Haayada Qaxoontiga Aduunka Ee UNHCR Xarunteeda Hargeysa+Sababta

Hargeysa (saxilnews.com)_ Nin u dhashay dalka yemen oo ka mid ahaa qaxootiga reer Yemen ee kasoo cararay colaadaha waddankooda ka socda, ayaa isku maanta duhurkii isku hor-gubay xarunta hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ay ku leedahay xarunta Somaliland ee Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan marar badan uu kusoo laab-laabtay xarunta UNHCR ee Hargeysa, si uu caawinaad uga helo, balse aanu helin taageeradii uu uga baahnaa hay’adda.

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in daryeel-xumo iyo wax la’aan uu ninkan Yemeniga ah ka cabanaayay, ugu dambeynna uu maanta isku gubay xarumta horteeda.

Dabka oo dhaawac xooggan uu kasoo gaaray ninkan ayaa keentay in goobaha caafimaadka loola cararro si wax looga qabto xaaladdiisa caafimaad, mana jirto cid sheegtay sababta uu isku gubay oo aan ka ahayn inuu UNCHR ka waayay taageeradii uu ka filayay.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somaliland iyo hay’adda UNHCR ayaan illaa hadda ka hadal ninkan qoxootiga ah ee maanta is-gubay, iyadoo falkan uu ninkan Yemeniga ah isku gubay ay noqonayso falkii ugu horreeyay noociisa ee ka dhaca Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa waxaa ku sugan qoxooti Yemeniyiin ah oo kasoo cararay colaadaha dalkooda Yemen, kuwaasoo isugu jira rag, haween, waayeel iyo caruur.

 

 

 

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here