Nin Mas nool wajiga ku xirtay oo Maaskaraati ka dhigtay

0
25
Nin Mas ka dhigtay Maaskaraati

Qoraalka sawirka,Nin Mas ka dhigtay Maaskaraati

Nin ayaa gaari dadweyne oo Bas ah la raacay Mas ugu xiran afka oo uu ka dhiganayay Maaskaro ama qalabka afka lagu xirto, si uu uga gaashaanto fayraska Corona.

Waxaa la arkayay ninkan oo Maska uga maran yahay qoorta islamarkana qeyb ka mid ah uu sanka ugu duuban yahay.

Waxaa muuqaal laga arkay, rakaabka gaariga saaranaa oo aad ula yaaban, wuxuuna ka soo baxay Swinton isaga oo ku sii jeeday Manchester Isniintii.

Mid ka mid ah rakaabka ayaa tiri “waxaan mooday qalab muusig oo sanka uu ku xirtay” illaa ay ka aragtay Maska oo uu gacanta iyo luqunta uga duuban.

Madaxda gaadiidka dalka Britain, gaar ahaan magaalada Manchester ayaa xaqijiyay in Mas uusan qof ka dhigan karin maaskaro ama maro uu afka ku duubto.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo iyadu codsaday in magaceeda la qariyo ayaa sheegtay in dhacdadan “ay ku noqtay mid lagu qoslo oo la yaab leh”, waxayna intaa ku dartay in Maska uusna xilligaasi u muuqan mid dhib u geysan karay rakaabkii Baska saarnaa.

Maska ayuu qoorta ku martay kama dhigtay Maaskaraati

Dalka Britain, waxaa wajib ah in qofka raacaya gaadiidka dadwaynaha uu afka xirto, marka laga reebo carruurta ay da’dooda ka yartahay 11 sano iyo kuwa sababo caafimaad dartood aan u xiran karin.

Afhayeen u hadlay dowladda hoose ee Manchester ayaa yiri: “Xeerka dowladda wuxuu si cad u sheegayaa in qofka uu xirto mask-ga dhakhaatiirta isticmaasho, balse dadka way xiran karaan waxyaabo ku haboon sida indha shareerka.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in maqaarka Maska amaba isaga oo nool ba aa loo isticmaali karin Maaskaraati iyo wax afka lagu duubto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here