Nin lagu xukumay 13,275 sano oo xabsi ah

0
19
Dadka wax maalgashada waxaa loo ballan qaaday faa'iido badan, iyo lacago dheeraad ah haddii ay xubno cusub keenaan.Lahaanshaha sawirkaPAULA BRONSTEIN/GETTY IMAGES
Image captionDadka wax maalgashada waxaa loo ballan qaaday faa’iido badan, iyo lacago dheeraad ah haddii ay xubno cusub keenaan.

Maxkamad ku taalla Thailand ayaa nin Turufatoore ah ku xukuntay in ka badan 13,000 oo sano oo xabsi ah.

Pudit Kittithradilok oo 34 jir ah ayaa qirtay inuu maalgashi been ah uu dadka ku siri jiray, isagoo u sheegi jiray in faa’iido badan ay helayaan.

Ilaa 40,000 oo qof ayuu ka dhaadhiciyey inay lacag gaaraysa 160 Malyan oo Doollar ku darsadaan shirkadihiisa.

Maxkamaddu waxay ku heshay in uu ku leg leeyahay deyn bixin sharci darro ah, iyo 2,653 kiis oo wax is daba marin ah.

Qirashada uu dambiyada qirtay darood ayaa xukunka laga dhimay 6,637 sano iyo lix bilood.

Dacwad oogayaashu waxay maxkamadda u sheegeen in Pudit uu abaabulay seminaarro dadkii ka qayb galay lagu dhiirri galiyey inay maalgelin ku samaystaan ganacsiyo la xiriira dhismaha guryaha, isqurxinta, ganacsiga gaadiidka la isticmaalay iyo alaabaha dibadda laga keeno, iyo waxyaabo kale.

Sida uu qoray wargayska Bangkok Post, dadka wax maalgashada waxaa loo ballan qaaday faa’iido badan, iyo lacago dheeraad ah haddii ay xubno cusub keenaan.

Pudit wuxuu xabsi si rumaan ah ugu jiraa Bangkok tan iyo bishii Agoosto, waxaana loo diiday inuu damiin dibadda ku joogo.

Maxkamaddu waxay labadiisa shirkadood middiiba ku ganaaxday 20 Malyan oo Doollar, waxaana isaga iyo shirkadaha lagu amray inay 17 Malyan oo Doollar u celiyaan 2,653 qof oo haybtooda la aqoonsaday, ayadoo lacagtaas uu la socdo dulsaar dhan 7.5% sannadkiiba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here