Nin guur-doon ah oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen

0
17
Sawirka Mark Rofe oo ku dhagan boor uu waddada dhigayLahaanshaha sawirkaMARK ROFE
Image captionSawirka Mark Rofe oo ku dhagan boor uu waddada dhigay

Nin raadinaya cid jeclaata ayaa boor uu sawirkiisa ku dhagan yahay ka taagay magaalada Manchester isaga oo dalbnaya cid uu haasaawa la wadaago.

Waxaan ka quustay haasaawaha, Mark Rofe waxaa uu go’aansaday in uu bixiyo lacag dhan £425 gani istarliinka ah oo uu ku soo iibiyay boor wayn oo uu ku dhajiyay sawirkiisa kaasi oo uu dhigay waddo mashquul badan oo ku magaalada Manchester.

Ninkani oo ah 30 jir islamarkana ka soo jeeda magaalada Sheffield ayaa ku raja wayn in noolashiisa uu ku soo biiri doono qof ku haboon oo uu noolsha la wadaago.

Waxaa uu yiri: “waxaa ila soo xiriiray dad ka badan 100 balse nasiib daro kala bar rag ayay ahaayeen, balse wali waxaan dareemayaa in la i maamuusay.”

Mr Rofe, oo lamaana la’aan ahaa imika muddo sanad ah, ayaa sheegay in uu soo iibsaday boor dheerarkiisu dhan yahay 3 mitir islamarkana uu balaciisu yahay 6 mitir si ay dadka meel dheer uga soo arkaan.

Mr Rofe ayaa sheegay in xaaibadii ay intooda badan guursadeen islamarkana qaar kale ay xiriir haasaawe muddo dheer ay ku jiraan.

Mr RofeLahaanshaha sawirkaMARK ROFE
Image captionMr Rofe

“Saaxibada aan leeyahay ayaan uga sheekeeyay sida aan ula daalaa dhacayo habka casriga ah ee internet-ka ee la iska shukaansado,waxaana kula kaftamay in boor inta aan sawirkeyga ku dhajiyo aan waddada dhigo” ayuu yiri.

Waxaa uu intaa ku daray Mr Rofe in markii uu saaxibadii fikradan u soo jeediyay ay ku qosleen.

“Waan ku qosolnay fikirkan markaasi ka dib ayaan ka fikiray inay fikrad wanaagsan tahay.” Ayuu yiri.

Boorkan oo uu ninkani dhigay waddada Fairfield, ayaa waxaa ku dhagan sawirkiisa isaga oo dhinac-dhinac u jiifa kuna tiirsaday gacantiisa.

Waxaa sidoo kale boorka uu ku qoray cinwaanka magaca barta uu internetka ku leeyahay ee lagu haasaawo ee DatingMark.co.uk.

Bartan uu Internetka ku leeyahay ayaa waxaa uu ku qoray taariikhdiisa iyo in uu yahay “nin si aad ah u qurux badan ” islamarkana oo waxa uu casuumay qof kasta oo doonaya in uu la haasaawo”

Mr Rofe, oo ka shaqeeya shirkad suuq geynta ka shaqaysa, ayaa sheegay in uu la yaabay inta qof oo la soo xiriirtay islamarkana uu qorshaynayo in uu u wada jawaabo.

Waxaa uu yiri: “Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in aan waalnahay markaan bixinayay lacag dhan £425, balse haddii aan jeceyl helay marakasi waa raqiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here