Nin Dilay Muwaadin Soomaali-Mareykan Ah Oo Xukun Adeg Lagu Riday

0
23

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota xukun adag ku riday Nin sannadkii lasoo dhaafay ee 2019 Muwaadin Soomaali-Mareykan ah ku dilay gudaha dalkaas.

Xukunka oo shalay oo Jimce aheyd dhacay ayaa lagu riday Leroy Davis Miles oo si aan ku tala-gal aheyn u dilay Shirwac Xasan Jibriil oo ahaa Darawal kana shaqeyn jiray dalka Mareykanka oo in muddo ah uu kunoolaa.

Webiste-ka Startibune ayaa laga soo xigtay in Maxkamadda la horgeeyay dukumiintiyo muujinaya in Eedeysane Davis Miles iyo rag la socday ay ka qeyb qaateen dilka loo geystay Marxuum Shirwac oo loo adeegsaday Feer looga dhuftay dhabarka iyo Madaxa, waxaana Davis Miles lagu riday xukun ah 13 sanno oo xadhig ah.

Sidoo kale Muuqaalo ay duubeen kaamaraha qarsoon ayaa laga arkayay in Davis Miles oo madaxa iyo dhabarka feedh ugu dhufanaya Shirwac Xasan Jibriil, kadibna uu madaxa ka dul-maray Bas xiligaas wadada mararay, sidaasina uu ku geeriyooday Shirwac.

Si kastaba Marxuum Shirwac Xasan Jibriil ayaa ahaa aabaha sideed carruur ah iyo awoowaha sideed kale, isagoo sannadkii 2007-dii Mareykanka galay, kadib markii uu soo maray Bariga Dhexe, Italy iyo Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here