nigeria:Borno oo laga mamnuucay fardaha iyo dameeraha

0
24
Boko Xaram ayaa dagaallada u adeegsata fardaha

Ciidamada dalka Nigeria waxa ay mamnuuceen isticmaalka Fardaha iyo dameeraha ee gobolka Borno, taas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah ururka Boko xaraam.

Kooxda ayaa fardo u isticmaashay weeraro ay gobolkaasi ka fulisay.

 

Ciidamada dalka Nigeria waxay u muuqdaan inay hormar ka sameynayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiga ah.

Waxaana la sheegayaa in Boko Xaraam ay shidaal u waayeen gawaaridooda, sidaa darteedna ay adeegsadaan fardaha.

Waxaa sidoo kale mar hore la mamnuucay mootooyiinka, kuwaas oo calaamad u ahaan jiray weerarada dilalka iyo qaraxyada ee Boko Xaram.

Hadaba tallaabadan ugu dambeysay waxa ay walaac gelisay dhaqaalaha miyiga oo la sheegay inay cuuryaamineyso ayna saameyneyso hanaanka nolosha dadka.

Dameeraha waxaa laa isticmaalaa qaadidda alaabta, fardahana waxaa ay yihiin kuwa diin iyo dhaqan ahaan loo adeegsado.

 

 

maxamed xasan

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here