Nigeria: 47 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay suuq mashquul ah””’

0
27

Nigeria(Saxilnews.com);;Qarax ka dhacay suuq mashquul ah oo ku yaala gobolka Borno ee dalka Nigeria ayay ku dhinteen 47 ruux sida ay saraakiishu sheegeen.

Ugu badnaan 52 ruux ayaa la rumaysanyahay in ay ku dhaawacmeen, sida ay ilo millitariga ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee saxilnews.com.
Qaraxu waxa uu ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaala magaalada Sabon Gari oo dhacda koonfurta gobolka Borno saacaddu markii ay ahayd 13:30 wakhtiga dalkaasi Nigeria (12:30 GMT), sida ay ilo sheegeen.
Malayshiyo looga shakisanyahay in ay yihiin Boko Xaraam ayaa gobolkaasi boqolaal ruux ku dilay.
Macada in qaraxaasi uu ka dambeeyay qof is qarxiyay amaba uu ahaa mid meesha lagu aasay.
Gobolka Borno ayaa saldhig u ahaa malayshiyaad Islaamiyiin ah, laakiin bilihii u dambeeyay Bookoo Xaraam waxa ay weerarayeen tuulooyin ku yaala waqooyiga Cameroon iyo waliba sidoo kale Chad iyo Niger.
Qarxyada ayaa sare u kacay kaddib markii uu madaxwaynaha cusub ee Nigeria Muhammadu Buhari wacad ku maray in uu jabin doono ururkaasi Bookoo Xaraam.
Tan iyo markii la dhaariyay bishii shanaad ee sanadkii hore in kabadan 800 oo ruux ayaa la dilay

By MahamedHassan Aadam(Faradeero)

WWWW.Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here