Neymar ayaa go’aan rasmi ah ka qaatay mustaqbalkiisa kooxda Paris Saint-Germain isagoo ku dhawaaqay inuu sii joogayo kooxda Faransiiska.
Xiddiga reer Brazil ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona iyadoo qandaraaskiisa PSG uu dhacaya xagaaga danbe.
Madaama ay qandaraaskiisa ka harsan tahay 18 bilood, waxaa PSG qasab ku noqon karta inay iibiyaan xagaagan ama inay wajahaan inuu si bilaash ah uga tago hantidooda ugu qaalisan.
Barcelona ayaa isku dayday dhowr jeer inay Neymar ku soo celiso Camp Nou.
Xagaagii hore wuxuu ku dhawaaday inuu ku laabto Barcelona ka dib markii uu asxaabtiisa u sheegay inuu doonayo inuu Barcelona u dheelo mar kale.
Laakiin xiisihii Barcelona ayaa qaboobay iyadoo kooxda ay ku jirto dhaqaale xumo aad u weyn.
Waxay haatan u muuqataa in Neymar uu diyaar u yahay qorshaha tababare Mauricio Pochettino.
Isagoo u hadlaayy TF1, wuxuu yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay maanta. Si dhab ah ayaan u faraxsanahay.
“Wax badan ayaa isbedelay. Ma sharixi karo sababta.
“Laakiin maanta waxaan dareemayaa inaan fiicanahay. Waan la qabsaday kooxda. Waan ka deganahay sidii hore, waana ka faraxsanahay sidii hore. Waxaan doonayaa inaan sii joogo PSG.”
Neymar ayaa sidoo kale ka baryay xiddiga kale ee qandaraaskiisa uu dhamaanayo Kylian Mbappe inuu isna saxiixo qandaraas cusub.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan sidoo kale doonayaa inuu Kylian sii joogo kooxda.
“Waxaan dooneynaa in PSG ay noqoto koox weyn. Waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro kubada cagta oo aan faraxsanaado, taas ayaa ugu muhiimsan.”