New Zealand: Sheekoonyinka halyaynimada ah ee ka soo baxaya weerrarkii Masaajidda

0
16
A Muslim family stands across the road from the Dean Street mosque

Haddaba waxaan dib u milicsaneynaa sheekooyin halyaynimada ah ee ka soo baxayay weerarkii sanadkii hore uu ninkaasi ku qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, halkaas oo 50 ruux ay ku dhinteen dad kale oo badanna lagu dhaawacay.

Qof ka mid ah Muslimiintii cibaadaysanayay ayaa sheegay in uu ninka qoriga watay ku tuuray mashiin yar oo gacanta lagu qaadi karo.

Labo askari oo booliis ah oo midkood uu ku hubaysan yahay biskoolad kali ah ayaa eryaday oo xiray Brenton Tarrant oo 28 jir ah.

Ninka laga shakisan yahay ayaa waxyaabo qarxa ku watay gaadhigiisa wuxuuna qorshaynayay weerarro dheeri ah sida ay sheegtay Ra’iisulwasaare Jacinda Ardern.

Cabdulcasiis oo ah 48 jir reer Afqaanistan u dhashay ayaa sheegay in uu ku jiray gudaha masaajidka Linwood oo ahaa goobtii labaad ee la bartilmaameedsaday, isla markaasna uu maqlay in qof uu rasaas furay.

Wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in masaajidka la soo weeraray uu qaatay mashiinka kaararka bangiyada lacagta lagaga jaro ka dibna uu ku orday dhanka ninkii weerarka soo qaaday kuna tuuray.

Arrintaas ayuu sameeyay intii ninku uu ku sii socday gaargiisa si uu qorii kale ula soo baxo, balse wuu hakaday markii uu qoriga la soo baxay ee xabbad ku soo riday.

Cabdulcasiis oo ay masaajidka kula sugnaayeen afar carruur ah oo uu dhalay ayaa qaatay qori uu ninkii weerarka soo qaaday tuuray ka dibna fargadda ayuu qabtay si uu xabbad uga rido balse rasaas kuma jirin, hase ahaatee sidaas kuma harin ee masaajidka ayuu ka dabo galay ninkii weerarka soo qaaday markale ayuuna qaabilay.

“Markuu arkay in aan qori wato, qorigii uu watay ayuu tuuray dhanka gaarigiisii ayuuna u orday. Waana eryaday” ayuu yiri Cabdulcasiis oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Cabdulcasiis ayaa sheegay in uu mashiin yar ku tuuray ninkii weerarka soo qaaday

Qoraalka sawirka,Cabdulcasiis ayaa sheegay in uu mashiin yar ku tuuray ninkii weerarka soo qaaday

Latef Alabi oo ah Imaamka ku meelgaarka ah ee masaajidka Linwood ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in geeridu ay intan aad uga sii badan lahayd haddii Cabdulcasiis oo aan ninka hubaysan ka cabsan uusan is xilqaamin.

Labo nin oo booliis ah oo masaajidka ka ag dhawaa ayaa eryaday, gaarigiisii xannibay ka dibna qabtay ninkii weerarka soo qaaday, arrintaas waxaa duubay qof goobjooge ahaa ka dibna wuxuu soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Askartu waxay wax walba ka hor mariyeen New Zealand,” geesinimadoodana waan aqoonsan doonnaa ayay tiri Ra’iisulwasaare Arder, oo Sabtidii hadashay.

Ninka hubaysan ayaa markii hore weeraray masaajidka Al Noor oo qiyaastii 5km u jiray iyadoo ay dadku sugayeen salaadda Jimcaha. Ninkan ayaa isagu isku tilmaamay in uu caddaannimada ku kalax tagay wuxuuna si toos ah u duubay qaabka uu dadka u laynayay isaga oo Facebook adeegsanaya.

Muuqaalkaas ayaa laga arkay Naeem Rashid oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan oo isku dayaya in uu ka hortago ninka weerarka soo qaaday ka dibna la tooganayo, isbitaal ayaa loola cararay balse markii dambe wuu geeriyooday.

“Waxaa jira tiro goobjoogeyaal ah oo sheegay in walaalkii uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu ka hor tago ninkii weerarka soo qaaday” sida uu BBC u sheegay walaalkii Khurshid Alam.

Talha oo ah wiil uu dhalay Rashid oo 21 jir ah oo la sheegay in uu mar dhaw shaqo helay isla markaasna qorshaynayay in uu guursado ayaa ka mid ahaa dadkii la laayay. Qoyskan ayaa New Zealand ku noolaa tan iyo sannadkii 2010.

Ra’iisulwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaana sheegay in la maamuusi doono Rashiid.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dhanka kalana Hosne Ara oo ah haweenay 42 jir ah ayaa la sheegay in ay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur marka ay rasaastu billaabatay. Waxaana la dilay iyadoo baadigoobaysa ninkeeda oo kursiga naafada ku yimid masaajidka balse badbaaday.

Farid Uddin ayaa sheegay in xaaskii ay badbaadisay oo dhimsaha ka saartay dumar iyo carruur iyadoo weerarku socdo.

“Waan ku faraxsannahay waxay samaysay. Wanaag iyadoo samaynaysa ayay dhimatay. Waxay dhimatay iyadoo gacanta ku haysta wixii ay jeclayd een anna jeclaa,” ayuu yiri Farid oo la hadlay BBC.

“Xaaskaygii ayaan waayay laakiin ma necbi ninkii dilay. Shaqsiyan waan jeclay. “Waana cafiyay. Waana u ducaynayaa.” ayuu intaas ku sii daray.

Friends and family of the victims gather at the support centre at the Hagley Community College

Booliiska ayaa masaajidka tagay 6 daqiiqo ka dib markii weerarka lagu soo wargaliyay waxayna arkeen 41 ruux la dilay, sida uu sheegay Mike Bush oo ah taliyaha booliiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here