Nalabad la isku halayn karo ayey inoo abuuratay xukuumada kulmiye

0
18

Jamahuuriyada Somaliland waa dala ku caana maaalay nabad galyo buuxda waana mida uu caalamaka o dhan ku amaano, marka la eega waxa ka dhaca wadamada dariskeena iyo dalal caalamka ka mida Somaliland nabadeedu  waxa ay noqonaysaa mid aad u saraysa, maansha allah ilaahaybaa mahadaa iska leh oo ina siiyey nabadaa aynu ku naaloonayno cid aan isaga ahayn oo wax keeni kartaana ma jirto, mar labaad waxaan u mahad celinayaa dawlada iyo  shacabka somliland oo dadaal adag ku bixiyey sidii aynu u heli lahayn nabad buuxda, hirgalinta nabad la isku halayn karo oo buuxda waxaa hormood u ah xukuumada maanta joogta oo ay hogaaminayaan rag dhiig iyo dheecaanba u soo shubay dib u xorayntii dalkan, isla markaana si wayn ugu qaybqaatay hirgalintii nabada iyo dib u dhiskii qarankan, xukuumada uu hgaamiyo madaxweyne siilaanyo, kor ayey u qaaday haybada uu qarankan ku naaloonayo waxa ay wanaajisay oo ay adkaysay nabad dalka,taas o ay ka dhigtay mid la isku halayn karo, wxaan cadayn u ah intii ay xukuumadani talada dalka haysay waxaa yimaday madax heer caaliya oo aan waligod dalka iman madaxdaasina waxaa ka mid ahaa wafuud heer wasiiro ah oo ka kala socda wadamada reer yurub, taas ayaa cadayn u ah sida ay u wanaagsanaatay nabada Somaliland, intii kulmiye talada dalka hayey ma jiraan wax cadow dibada ah o dalka soo weeraray isla markaana wax yeelo u gaystay,sidoo kale majiraan wax weeraro ah o guha dalka laga fuliyey sidaa horeba inoogu dhacday, illaahay inooma keenee,markale taas ayaa iyana cadayn u ah horumarka laga gaadhay nabada, kulmiye iyo xukuumadiisu waxa kor u qaadeen haybada ciidanka kala duwan e dalka, maanta ciidamada Somaliland waxa ay ku faanayaan haybada darajooyinka ee la siiyey. Taasna waxaa ku amaanan xukuumada siilaanyo iyo xisbigada kulmiye oo hore bulshada ugu balan qaday adkaynta nabad galyada iyo kor u qaadida tayada iyo niyada ciidanka, guntii iyo gabagabadii way muuqataa oo indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan in nabada Somaliland maanta ay tahay mid la isku halayn karo.

 

W/Q : nimco nuur

Email : nimco1432015

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here