Muxuu yahay wajiga cusub ee ay yeelatay xiisadda Hindiya iyo Shiinaha?

0
20
Ciyaarta PUBG ayaa aad looga xiiseeyaa meelo badan oo ka mid ah caalamka
Bilihii lasoo dhaafay waxaa jirtay xiisad colaadeed u dhaxeysay waddamada ku hubeysan nuclear-ka ee Hindiya iyo Shiinaha. Xiisaddaas ayaa hadda u muuqata mid waji horleh sii yeelaneysa.

Xadka Ladakh ayey muddo dheer labada waddan ku muransanaayeen, iyadoo mid walba uu sheeganayo lahaanshaha dhulkaas.

Waxaa dhawaanahanba socday dadaal lagu doonayay in xurgufta lagu soo afjaro wadahadal, islamarkaana ay milatariga labada dal ka baxaan deegaannada xadka ku yaalla.

Laakiin xiisadda colaadeed ayaa mar kale cirka isku shareertay 29-kii bishii lasoo dhaafay ee August, kaddib markii ay soo cusboonaadeen dhaqdhaqaaqyada labada ciidan.

Hindiya ayaa maanta soo saartay amar ay waddankeeda uga mamnuuceyso 118 barnaamij oo ah kuwa telefoonnada lagu isticmaalo, oo dhammaantood laga leeyahay Shiinaha.

Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah ciyaarta ay dhalinyaradu aadka u xiiseeyaan ee loo yaqaanno PUBG.

पबजी

Hindiya ayaa dhawaan Shiinaha ku eedeysay inuu ku xad gudbay heshiis ay labada dhinac ku gaadheen wadaxaajoodyadii ugu dambeeyay.

Waxay xukuumadda Delhi sheegtay in Shiinaha uu qaaday “tallaabooyin milatari oo cadho kicinaya”, si uu u baddalo xaaladda ka jirta xadka Ladakh.

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhintay iskudhac labada ciidan gobolkaas ku dhex maray bishii June. Shiinaha dhankiisa ma uusan jeegin in halkaas ay askar uga geeriyoodeen.

Labada dowladood ayuu midba midka kale ku eedeynayaa inuu sameynayo dhaqdhaqaaqyada kicinaya dagaalka.

Beijing dhankeeda way beenisay inay ku xad gudubtay heshiisyadii ugu dambeeyay.

Maxaa Hindiya looga mamnuucay barnaamijyada telefoonka?

Xiisaddan u dhexeeysa labadan dal ee leh Nukliyerka waa mid taariikhi ah

Qoraalka sawirka,Xiisaddan u dhexeeysa labadan dal ee leh Nukliyerka waa mid taariikhi ah

Bayaan ay soo saartay wasaaradda aarimaha tiknoolojiyadda ee dalka Hindiya ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay isticmaalka barnaamijyadaas, maadaama ay ku lug leeyihiin falal ka dhan ah madaxbannaanida Hindiya.

Sababta loo qaatay go’aankaas ayaa sidoo kale lagu sheegay difaacidda waddanka iyo ilaalinta kala dambeynta shacabka.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu yidhi: “Tallaabadan waxay dan u tahay malaayiin Hindi ah oo internet-ka ku isticmaala telefoonnadooda. Go’aankan waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo madaxbannaanida ay Hindiya u leedahay internetka”.

Waxay wasaaraddu sheegtay inay heshay cabashooyin muujinaya in barnaamijyadaas qaarkood lagu xaday xog ay shakhsiyaad lahaayeen oo ugu jirtay telefoonnadooda gacanta iyo kumbuyuutarro. Xogta ayaa kaddib loo diray meelo ka baxsan Hindiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ilaa hadda waxay Hindiya mamnuucday 224 barnaamij

File photo of an Indian and Chinese soldier on the border

Qoraalka sawirka,India and China have a long history of border disputes

Bishii June ee sanadkan, dowladda Hindiya waxay xayiraad saartay 59 app oo lala xidhiidhiyay Shiinaha. Waxaa ka mid ahaa barnaamijka ay bulshada sida aadka ah u isticmaalaan ee Tiktok.

Go’aankaas lagu mamnuucay 59-ka barnaamij ee shiinaha laga leeyahay waxaa la qaatay maalmo yar kaddib markii uu iskudhac ciidanka Hindiya iyo Shiinaha ku dhex maray Harada Galvan, 15-kii bishii Jine.

Mar kaas kaddibna dowladda Hindiya waxay haddana xayirtay 47 barnaamij oo kale. Sidaas waxay isku darka barnaamijyada ilaa imika la mamnuucay ku noqonayaan 224

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here