Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal cusub oo xitaa weyninkiisa ay aad ula yaabeen khubarada falanqeeya arrimaha hubka ee waddankaas. Khabiir dhinaca gaashaandhigga ah oo lagu magacaabo Melissa Hanham ayaa sharraxaya gantaalkaas iyo sababta uu khatar ugu yahay Mareykanka iyo dunida kaleba.
Si loo xuso sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga haya talada Kuuriyada Waqooyi ee Shaqaalaha, waddanku wuxuu habeen saq dhexe ah sameeyay dhoollatus milatari oo aysan jirin cid kale oo kala qeyb qaadaneysay.
Munaasabaddan oo si weyn loo qurxiyay ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii ay dunida fileysay. Waxaa sidoo kale khudbad qiiro leh ka jeediyay guddoomiyaha xisbigaas, Kim Jong-un, oo mararka qaar illin iska tirayay markii uu ka hadlayo caqabadaha uu soo wajahay dalkiisa.
Ugu dambeyn, waxaa lagu soo bandhigay gantaalkii ugu weynaa ee ay abid sameysato Kuuriyada Waqooyi, oo ah nooca loo yaqaanno ICBM.
Haddaba waxaan halkan ku sheegeynaa saddex arrimood oo aan ka ognahay gantaalkaas.
Hubkii istiraatiijiga ahaa ee uu ballan qaaday Kim
1-dii bishii January ee sanadkan 2020-ka, Mr Kim wuxuu khudbaddiisii sanadka cusub ku shaaciyay in Kuuriyada Waqooyi “ay ku howlaneyd sameynta hub casri ah ay heysan karaan oo waliya waddamada aadka u hormaray”.
Wuxuu si gaar ah hubkaas ugu tilmaamay hubka “istiraatiijiga ah” – oo micnaheedu yahay nuclear – ee la sameynayo.
Mr Kim wuxuu hubkaas si toos ah ula xiriiriyay Mareykanka, isagoo yidhi: “Mustaqbalka, mar walba oo uu Mareykanku ka labalabeeyo xasilinta xiriirka Kuuriyada Waqooyi uu la leeyahay, wuxuu sii ogaan doonaa in uusan awood u heli doonin oo uu ku hungoobi doono isku daygiisa cadaadinta ah, maadaama ay sii weynaaneyso Kuuriyada Waqooyi, tabarteeduna ay sii noqoneyso mid aan la saadaalin karin.”
Hubkan cusub ee ICBM waa kii uu Mr Kim ku tilmaamay hubka istiraatiijiga ah. Waxaa si buuxda loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado Mareykanka, haddii ay guul darreystaan wadaxaajoodyada ay maamulka Trump ku raadinayeen dib u soo celinta xiriirkooda Kuuriyada Waqooyi.
Khatar cusub oo ku wajahan qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka
Kuuriyada Waqooyi horayba waxay usii heysatay labo gantaal oo la tijaabiyay, oo noocoodu yahay ICBM. Mid ka mid ah oo lagu magacaabo “Hwasong-14” waxaa labo jeer la tijaabiyay sanadkii 2017-kii wuxuuna gaadhayaa masaafe dhan 10,000km (6,213 meyl).
Gantaalkaas oo qaadi kara hal madax oo hubka nuclearka ah wuxuu gaari karaa ku dhawaad dhammaan waddamada galbeedka Yurub iyo kalabar ka mid ah gobollada Mareykanka.
Hwasong-15 oo isagana sidoo kale la tijaabiyay 2017-kii ayaa gaadhi kara masaafe dhan 13,000km, taasoo micnaheedu yahay in uu hal madax oo nuclear ah gaarsiin karo meel walba oo ka mid ah dhulka Mareykanka.
Gantaalka cusub, oo wali aan la tijaabinin, ayaa gaadhi kara masaafe ka dheer midka Hwasong-15.
Ilaa faahfaahin laga bixiyo sida uu u sameysan yahay, ama la tijaabiyo, way adagtahay inaan ogaanno masaafaha saxda ah ee uu gaadhi karo gantaalka cusub.
Hase yeeshee habka loo sameeyay ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ujeeddadeeda ay iska caddahay: Uma baahna inay sii kordhiyaan masaafaha gantaalladooda, maadaama ayba horay u sameysteen gantaallo masaafaha ku filan gaadhi kara.
Mar haddii aan masaafe laga fakareynin, waxaa diiradda la saarayaa sidii loo sameyn lahaa gantaal xambaari kara madaxyo badan oo nuclear ah.
Arrintaasna waxay dhibaato weyn ku noqoneysaa qalabka difaaca gantaallada ee Mareykanka, oo markii horeba culeys weyn uu heystay, sababtoo ah gantaal kasta oo soo aada dhinaca Mareykanka wuxuu u baahan yahay howl baaxad leh oo lagu celiyo.
Walaacdeg deg ah
Waxaa jira su’aalo badan oo ku gadaaman habka ay u sameysan yihiin gantaallada ICBM, taasoo micnaheedu yahay in aan la kala aqoonin marka la tijaabinayo iyo marka waddan lagu weerarayo toona.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee walaaca laga muujinayo waa in Kuuriyada Waqooyi ay awood u leedahay qaadista weerar nuclear ah marka loo eego qalabka gantaallada lagu tuuro ee ay heystaan.
Mar walba awooddaada nuclear-ka waxay ku xirantahay tirada qalabka gantaallada lagu rido ee aad heysatid.
Mareykanka wuxuu qiyaasaa in Kuuriyada Waqooyi ay ridi karto ugu badnaan 12 gantaal oo noocoodu yahay ICBM. Xisaabtan waxay ku dhisan tahay awoodda uu leeyahay mid kasta oo ka mid ah lixda qalab ee gantaallada lagu rido karo ee ilaa hadda la ogyahay in Kuuriyada Waqooyi ay heysato.
Markaas kaddib Mareykanka wuxuu fursad u heli karaa in uu aargoosi sameeyo ka hor inta aan weerar labaad lala beegsanin.
Sanadkii 2010-kii, Kuuriyada Waqooyi waxay si sharci darro ah usoo iibsatay lix qalabka gantaallada lagu rido ah, oo ay kasoo qaadatay Shiinaha. Kaddib waxay ku sameeyeen dib u habeyn, si looga dhigo qalab mar walba xambaarsan gantaallada, xilligii la doodana loogu adeegsan karo in la rido.
Qalabka noocaas ah ayey hadda Kuuriyada Waqooyi u adeegsatay gantaalladaas markii dhoollatuska la sameynayay.
Xitaa gantaalka cusub ee aadka u weyn waxaa xambaarsan qalabka diyaarsan.
Dhoollatuskan wuxuu ka dhignaa in markii ugu horreysay aadduunka lagu arko wax ka badan lix qalabka gantaallada lagu kaxeeyo ah.
Sidaas darteed waxaa cad in Kuuriyada Waqooyi ay wali awood u yeelan karto sameysashada qalab aad u waaweyn oo gantaallada lagu xisro marka la qaadayo.
In Gantaalka cusub ay Kuuriyada Waqooyi sameysatay sanad uu caalamka dhibaato aad u weyn ku dhex jiro waxay muujineysaa sida aan loo dhayalsan karin waxa uu awoodda u leeyaahay waddankaas iyo hoggaamiyihiisaba ama heerka ay ka gaarsiisan yihiin dhinaca tiknoolojiyadda.