Muxuu Daarana Kulankii Guddoomiyaha KULMIYE La Qaatay Aqoonyahan Reer Somaliland Ah

0
19

Hargeysa:(Saxilnews)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen saraakiil, siyaasiyiin iyo xildhibaanno xisbiga katirsan, ayaa maanta kullan ballaadhan oo lagu soo bandhigay dhibaatooyinka dalka haysta iyo sida xal loogu heli karo la qaatay aqoonyahan dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah, kuwaas oo kasoo kala jeeda gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayey bahda aqoonyahanka ahi guddoomiyaha kula wadaageen xogo cilmiyeysan iyo natiijada baadhitaano la xidhiidha daraasado lagu lafo-guray dhibaatooyinka dalka ka jira iyo tallaabooyinka loo arko inay xal muuqda u noqon karaan.
Guddoomiyaha iyo bahda aqoonyahanka ahi waxa ay kulankooda diirrada ku saareen sidii looga wada hawlgeli lahaa in xal waara oo cilmi ku dhisan loo helo dhammaanba dhibaatooyinka waqtigan bulshada haysta, si loo gaadho guul dhinacyada kala duwan ee nolosha, siyaasadda iyo dhaqaalahaba ah loo gaadhi lahaa, waxana la isla gartay in loo wada guntado diyaarinta qorsheyaal midho-dhal ah oo lagaga gudbo caqabadaha taagan.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyey aragtiyaha iyo qorsheyaasha iyo bahdan aqoonyahanka ahi la wadaageen, waxana uu tilmaamay in ka midho-dhalintoodu tahay waajib bahda aqoonta leh iyo hoggaanka ummaddaba saaran, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay dedaalkooda kor u qaadaan, isaga oo ku ballan qaaday inuu diyaar u yahay inuu talooyinka cilmiyeysan ee ay soo jeediyaan qaadan doono, kuna dhiqi doono arrimaha xisbiga iyo kuwa dawladdaba, haddii uu ku guulaysto hankiisa ah inuu umadda hoggaamiyo.
Xubnaha aqoonyahanka ah ee kulanka ka qaybgalay, ayaa guddoomiyaha uga mahadnaqay sida hufan ee u qaabilay iyo weliba sida toolmoon ee u dhegaystay talooyinkooda, waxana ay ballan ku qaadeen inaanay ka daali doonin bixinta talooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here