Muuse Biixi Oo Odayaal U Diray Koox Maxamuud Xaashi Masaariif Ku Siiyo Hotelka Hargaysa Club Iyo Xaaladda Taagan + Xasan Gaafaadhi Oo…

0
19

Hargeysa(Saxilnews)- Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi aya Odoyaal u diraya koox sheegatay in ay matalaan waxgaradka beeshe bariga burco kuwaas oo gacan saar la,leh Wasiirka madaxtooyadda somaliland.

Muuse Biixi ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku hawlanaa isaga iyo afhayeenka xisbiga kulmiyeba in ay odoyaal  u diraan ay Muuse Biixi isku hayb yihiin “Sacad Muuse” kooxdani ku masaariif qaadata magaca Beesha Sharfan ee bariga burco,

Kooxdan masaariifta uu u qoray wasiirka madaxtooyada somaliland ee muuse biixi odoyaasha u dirayo aya waxa uu wasiirka madaxtooyaddu beesha Bariga burco ugu soo xulay siddan:-

1=  Muuse Abokor 3 xubnood

2= maxamed Abokor 1 xubin

3=cimraan 1 xubin

4= sanbuur 1 xubin

Tiradda guud ee kooxdani ayaa waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo uu ka mid yahay nin ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xukumaddii daahir riyaale , Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Wasiirk madaxtooyadda ayaa bilaabay dagaal siyaasadeed oo uu la galayo xisbiga kulmiye taas oo uu diidan yahay in mujaahid maxamed kaahin lagu wareejiyo kursiga Guddoomiyaha Kulmiye haddii muuse guulaysto halka muuse biixi wali siyaasad qabow ciyaarta uu ku waddo.

Isku soo wadda duuboo odoyaasha sacad muuse  ayaa kooxdani u sheegaya  in muuse biixi kursiga Guddoomiyaha xisbiga kulmiye u hayo Beesha bariga Burco ee iyagu isi-soo kala saaraan.

Waxii soo kordha Halkan Kala Soco

XIgasho- Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here