Muuse Biixi Oo Diblumaasiyad Ka Dhigtey la Kulanka Safiirkii Turkiga Ee Somali Weyn Aaminsanaa + [Sawiro]

0
27

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muj.Muuse BiixiCabdi ayaa waxaa uu  Diblumaasiyad ka dhigtay la kulanka safiirkii dalka Turkiga u fadhiyey Moqdisho ee aaminsanaa Somali weyn isla markaana Xamar ka soo dhex maagay qarankan curdinka ah

Image may contain: 5 people, people standing

Safiirkan Turkiga u fadhiya magaalada Moqdisho Mr. Olgan ayaa dhawaan si cad u sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uu Turkigu ka leeyahay ujeedo ah sidii ay u soo noqon lahayd midnimadii burburtay ee dhex martay Somaliland iyo Somaliya, waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland sheegtay inay warqad ashkato ah u dirtay dawladda Turkiga, taas oo aan ilaa hadda jawaab laga haynin.

Waxaana kulanka uu Muuse Biixi la yeeshay Safiirkaas aamisan Somali weyn ku wehelinaayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxaana kulanka Safiirka iyo Muj Biixi ka dhacay xafiiska Safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ka dib markii Muj Muuse halkaasi ugu holadey safiirka oo maalmahan ku suganaa magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here