Musuq Maasuqii oo xadhkaha Sii goostay Intii uu Madaxweyne Siilaanyo Iclaamiyey inaanu Ordayn Doorashada Soo socotaa.W.Q Kaptanka

0
23
Berbera (Saxilnews.com)-Iyadoo warwalba uu musuq maasuqu ku lahaa kaalin wayn inta badan ee xafiisyada iyo haayadaha qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay noqotay wax iska caadiya oo aan cidina la yaabin musuqa baahsan ee aafeeyey dhaqaalihii qarankan curdinka ah ee dunida wax la qaybsan lahaa,
Musuq maasuqu waxaa aad mooda in xitaa qofkii imaanka qabay ee ubadkiisa u diiday inuu xaaraan ku koriyo ee xalaashiisa isku filaysiiya inuu xaga bulshada doqon ka yahay waxad arkaysa dad ku ceebaynaya qof islama oo xalaal miirada ‘ Waa waxba mataransade cidna waxba uma dhiibo isaguna waxba maqabsado kuwii ka hooseeyey ayaa guryo waawayn dhistay oo baabuurtay iibsadeen aad la yaabaysa isagu wali xata guri muu dhisan musharkiisa ayunbu qaata halka qayrkii wax ka boobayaan’ hadaladani waxaykamid yihiin kuwa dhangagaaluhu ku dhiiri galiyo kuwa musuqa u ban baxay kuna niyad jabiyaan kuwa xalaal miirad ka ah ee ilahay agtiisa wax u yaalaan meel la iska dhisana xaga alle aya ugu roon swt.
Musuq maasuqu halku uu maanta gaadhay waxad arkaysa nin agaasime guud ah oo musharaharkiisu aanu gaadhin $1000 bishii oo hadana laba sano gudahood ku dhisanaya guri $120.0000 boqol iyo labaatan kun dollar ah oo hadana shaqadiisii wata oo aan cidina xisaabin, hadaba marka uu agaasimihii sidaa yahay maxad u malayn wasiirkii ka sareeyay wadankii siduu u dhanaa waa la kala goostay,
Musuq maasuqa waxaa ka qayba oo iyaguna intooda qaata ganacsatada qaarkood siiba ku wa lacagta badan haysta iyagoo qaabab kala duwan uga qayb qaata musuqa tusaale ahaan waxay dowladda la duljoogaan lacag adag iyagoo u kala dheereeya iibsiga dhulkii iyo guryihii muhiimka ahaa ee dowlada sidaynu wada ognahay ganacsata waawayni ma bixiyaan cashuurta ee danyarta quutal daruuriga shaqaysta aya cashuurta qasab lagaga qaadaa sababtuna waa miskiin ayaa leh misgo la fuulo ayay kaga dhigtay xukuumadu waana sunne ay ka sinaayeen dhamaan xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soomaray in laga xishoodo ganacsatada waawayn xaga cashuurta.
Waxaa ka mida qaababka ganacsatadu musuqa uga qayb qaadato shaykasta oo dowladda laga iibiyo waxaa saaran lacag waaliya tusaale hadii dowladda laga iibiyo gaadhi suuqa ka jooga $ 3000 dowaladda waxa laga siiyaa $5500 halka Litir ee shidaalka ah ee shacabka laga siiyo $1 dollar waxa dowladda loo xisaabiya oo bishii lagu soo dalacaa $2 ilaa 1.5 wax walba waxa laga siiya libin laab waana xukuumadii la rabay inay dadka ganacsatada ah u cayinto qiimaha tusaale gaaban imika shidaalku aduunka qiimihii ugu hooseeyay ayuu ka jooga mudo dheer foostadiina waxa lagu qiyaasa inay hoos ka martay $35 lakin Somaliland waxa lanaga siiyaa foostadii $ 200 oo dollars hadaba xukuumadii la socon lahayd marka iyadii la dardaro mashacabka masaakiinta ah aya loo daahaya jawaabtu waa maya,
 Hadaba Markii uu cadeeyay Silaanyo inaanu u ordayn madaxweyne doorasha 2017ka waxa kor usii kacay musuq maasuqii oo aad moodo in nin waliba halkuu joogay lasiiyey lana yidhi madaxweynuhu kuma eryayo inta xilka u hadhay hadhawna ma sharaxnee sidaad doonto uga faa,idayso dalka, hadaba wa iga su,aale sidee ayaan dalkan uga bad baadinaaa musuqan halakeeyay qarankii aynu wada lahayn su,aasha jawaabteeda waxan ka sugaya qofkasta oo xilsaamud ah oo muwaadina cidina uma maqna ceelna uma qodna wadankan…
Allaa Mahad leh
Xoghayaha Xidhiidhka Gobalada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID.
SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here