Musiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Halkeeda Kasii Socota Iyo Xiddig Kale Oo Dhaawac Kasoo Gaadhay Kulankii Barcelona

0
21

Musiibada dhaawacyada Real Madrid ayaa halkeeda kasii socota, waxaana farxaddi ay ka gaadheen Barcelona u raacday niyad-jab kale oo ah in mid ka mid ah xiddigihii uu Zinedine Zidane ciyaarta kusoo bilaabay uu ku biirayo laacibiinta dhaawac ah.

Real Madrid ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen labada difaac midig ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola, waxaana hadda ka daba tegay Nacho Fernandes oo kulankii Real Madrid ay 3-1 ku garaacday Barcelona dhaawac soo gaadhay.

Nacho ayaa daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore uu dhaawac haleelay, waxaana lagu beddelay Lucas Vazquez oo la bilowday qaybta dambe.

Dhaawacan u dambeeyey ayaa ka dhigan, in dhamaan ciyaartoydii Real Madrid ee difaaca midig ee uu dooran kharayay Zidane ay wada dhaawacan yihiin, taas oo keenaysa in ciyaarta Champions League ee Salaasada ee Borussia Monchengladbach uu kusoo bilowdo Lucas Vazquez.

Nacho ayaan awood u yeelanin inuu si fiican u joojiyo orodkii Jordi Alba ee sababta u noqday goolka madiga ah ee Barcelona, laakiin bandhiggiisa guud ee intii uu garoonka ku jiray ayaa ahaa mid wanaagsan. Waxa uu qayb ka qaatay dhismaha kubbadii noqotay goolka hore ee uu Benzema baaskii ugu dambeeyey lugta u saaray Fede Valverde oo darbo awood badan daba mariyey goolhayaha Barcelona.

Waaxda caafimaadka Real Madrid ayaa baadhitaano ku samayn doona Nacho Axadda berri, waxaanay hubin doonaan inta uu le’eg yahay khasaaraha soo gaadhay iyo muddada uu maqnaan doono, hase yeeshee waxa haddaba lasii sheegayaa in aanu xisaabta ugu jiri doonin Zidane kulanka Borussia Monchengladbach.

Real Madrid ayay hore uga dhaawacnaayeen Eden Hazard, Martin Odegaard, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Mariano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here